Iran oo sheegtay in Marinka Hormuz uu ka xiran yahay keliya Mareykanka, Israel iyo Yurub

Iran ayaa soo saartay war cusub oo ay ku xaqiijineyso inaysan gebi ahaanba wada xiran Marinka Hormuz, balse keliya ay ka hortageyso inay adeegsadaan maraakiibta shidaalka ee Mareykanka, Israel, Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka.
Militariga Iran ayaa Axaddii ku dhawaaqay in uu xiran yahay marinka ugu weyn ee ay maraan maraakiibta shidaalka ee Bariga Dhexe, waxayna Isniintii ku celiyeen in marinkaasi uu xiran yahay, markab kasta oo isku daya inuu ka gudbana ay gubi doonaan.
Dhowkii maalmood ee marin biyoodka Hormuz uu xirnaa ayaa waxa uu saamayn dhaqaale ku yeeshay dunida, waxaana meelo badan laga dareemay sicir barar baahsan oo dhanka shidaalka ah.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa bayaan ay Khamiistii soo saareen ku sheegay in maraakiibta kale ee dunida ay mari karaan Hormuz, aan ka ahayn kuwa ay diideen.
Taliska ayaa ka digay in maraakiibta laga leeyahay dalalka laga mamnuucay marinkan ay soo haweystaan inay maraan, haddii kalena la garaaci doono.
Taliska ayaa xusay in marinka uu ka sii xirnaan doono kuwa ay ka hortaagan yihiin, inta ay taagan tahay colaadda ka jirta Bariga Dhexe.
Bayaanka ayaa imanaya, ka dib dhowr maalmood oo hubinti la'aan ay ka taagneed mid ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee badda.
Marinka Hormuz ayaa waxaa dagaalka ka hor ka gudbi jiray shan meelood oo meel (20%) ee shidaalka dunida laga isticmaalo.


