Iran oo si adag uga hortimid in ay wada hadal la furto Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadd Iran, Abbas Araghchi ayaa maanta sheegay in Tehran ay heshay farriimo badan, oo Mareykanka uu kaga codsanayo wada-xaajood, balse aysan jirin wax ay ka dhihi karto, sababtoo ah buu yiri doorkooda is garabtaaga ee weerarada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa.
Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu aanu cidina kala hadli doonin gantaaladiisa, iskaba dhaaf wax gorgortan ah oo ay ka galaan.
"Ma jirto maskax caqli-gal ah oo aqbali doonta wada hadal ku saabsan awooddeeda difaaca." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran.
Wasiirka ayaa bidhaamiyay in gantaalada Iran uu yahay mid gaar ah oo difaac ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in Iran aysan gantaaladeeda u adeegsan wax ka hor imanaya heerarka anshaxa iyo sharciga caalamiga ah.
Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay, illaa iyo inta ay socdaan weerarada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa aysan jiri doonin, wax wada hadal ah oo Mareykanka ay la geli doonaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ku sugan Magaalada Geneva ayaa halkaasi wada hadal kula leh Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dhowr dal oo reer Yurub ah, kuwaas oo ay ka wada hadlayaan barnaamijka nuclear-ka ee Iran.
Araghchi ayaa tilmaamay in Iran ay sii wadi doonto wada hadalada ay la leedahay reer yurub, isagoo xusay inuu jiro kulan la qorsheeyay oo ka dhacaya Geneva.
Araghchi ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Jimcahan uu magaaladaasi kula kulmo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka, oo ay wehlineyso Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas.
Iran ayaa dhowr jeer oo hore Mareykanka ku eedeysay in uu gadaal ka taagan yahay weerarada ay Israel ka waddo dalkeeda, taasoo ugu wacan inuu istaago wada hadalkii nuclear-keeda ay kula jirtay Mareykanka.
Israel ayaa Jimcihii hore weerartay dalkaasi, xilli uu qorshuhu ahaa in Mareykanka iyo Iran ay 15-kii bishan yeeshaan wareegga lixaad ee wada hadaladii u bilowday bishii April.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii ugu baaqay Iran in ay si shuruud la'aan ah isku dhiibto, iyadoo ka tanaasuleysa barnaamijka nuclear-keeda iyo in la burburiyo gantaaladeeda.
Hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacadii Trump ku gacan seyray baaqiisa ah in ay is dhiibaan, waxaana uu sheegay inay dagaalami doonaan, isla-markaana ay iska difaaci doonaan gardarrada Israel.
Hadalka Wasiir Araghchi ayaa imanaya, iyadoo uu sii socdo duqaymaha ay isweydaarsanayaan Iran iyo Israel.