Iran oo sii waddo hanjabaaddeeda Mareykanka, iyadoo ay jirto fursad wada hadal

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, General Sayyed Abdolrahim Mousavi ayaa ku dhawaaqay is bedel muhiim ah oo ku yimid istiraatiijiyadda militari ee qaranka, isla-markaana ay u weecdeen caqiiddo weerar ah, oo loogu talagalay in cadowga lagu gaarsiiyo sida uu yiri hilaac joogta ah iyo weeraro aysan sii saadaalin karin cadowga, halka ay uga iman doonaan.

Taliyaha ayaa sheegay in xilliga difaaca uu u xuub siibtay qaab joojin firfircoon oo ku saleysan xeeladaha wejiyada badan ee dagaalka iyo burburin aysan sii saadaalin karin reer galbeedka.

"Ka dib dagaalkii 12-ka maalmood socday iyo sii socoshada daandaansiga xun ee ay wadaan dhidibka Mareykanka iyo Sahyuuniyadda, waxaan dib u eegnay caqiidada difaaca qaranka." Ayuu yiri Taliyaha oo warkiisa Isniintii laga sii daayay Telefishinka Dowladda Iran.

Taliyaha Ciidamada Iran ayaa ka digay in qaabka ay Iran u dagaalami doonto dagaalka soo socda ee dhici kara uu noqon doono mid ka gudba dhammaan xisaabaadka reer galbeedka, oo uu ula jeedo inuu u dhici doono si ka duwan, sida ay moodayaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale Maamulka Madaxweyne Donald Trump uga digay in hal khalad uu sameeyo aanu keliya amni darro u horseedi doonin Mareykanka, balse sidoo kale uu dabku baabi'in doono xulafadiisa.

General Mousavi ayaa ku hanjabay in weerarada falcelinta Iran ay noqon doonaan kuwo saf ballaaran oo degdeg ah, isla-markaana aan joogsi lahayn oo gaysan doona burbur baahsan.

Hanjabaadda Mousavi ayaa imaneysa, iyadoo Turkigu uu ka shaqeynayo dadaalo lagu wada hadal siinayo labada dal, si fursad loo siiyo diblomaasiyadda, bedelkii xalka uu dagaal noqon lahaa.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay aqbalay wada hadalada uu ka shaqeynayo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyadoo la dejinayo xiisadda Bariga Dhexe.

Inkastoo Hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei uu Axaddii aqbalay wada hadal, haddana waxa uu Trump uga digay in uusan bilaabin dagaal aanu hadhow joojin karin.