Iran oo weerar gantaalo ku ekeysay Israel

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa hadda ka gudubtay cabsidii laga qabay isku dhac ballaaran oo gobolka ah, ka dib markii Iran ay caawa raxan gantaalo ah ku weerartay Israel, taas oo ku tusineysa in gobolka uu cagta saaray wixii in badan laga digayay.

Dowladda Iran ayaa weerar gantaalo ku qaadday Israel, si ay uga aargutaan dilka Hoggaamiyeyaashii Xamaas, Xisbullah iyo Saraakiisha Ilaalada Kacaanka ee lagu dilay meelo ka mid ah Bariga Dhexe.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in ay tobanaan gantaalo oo nooca ballaastikada ah ay la beegsadeen hadafyo muhiim ah oo gudaha Israel ah.

Guud ahaanba deegaanada Israel iyo dhulka la haysto ayaa waxaa caawa is qabsaday dhawaqa seeriga digniinaha gantaalada, iyadoona dad badan oo reer Israel ah ay gabaad u doonteen godadka amniga ee dhulka hoostiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem laga maqlay qaraxyo waaweyn oo ruxay labadaasi magaalo, waxaana barraha bulshada la isku la wadaagay muuqaalo muujinaya gantaalo, sida roobka oo kale ugu soo hoobanaya.

Muuqaalada ayaa muujinaya gantaalada Iran oo ka baxsanaya nidaamka difaaca hawada ee Israel iyo goobaha ay ku dhacayaan oo gubanaya.

Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in gantaalada ay boqolkiiba sagaashan (90%) haleeleen bartilmaameedkoodii saxda ahaa.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in 181 gantaal lagu soo weeraray gudaha Israel, isla-markaana ay qalqal weyn oo amni ay ka abuureen guud ahaanba Israel.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari oo muuqaal soo duubay ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin cid wax ku noqotay weerarka, dhammaan dadka reer Israel-na ay nabad qabaan, sida uu yiri.

"Ciidamadu hadda ma arkaan wax khatar ah oo ka jirta hawadeenna." Ayuu yiri Afhayeenka, isagoona shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Adeegga Gurmadka Degdegga ee Israel ayaa sheegay in ay Magaalada Tel Aviv ka qaadeen laba qof oo dhaawacyo fudud ka soo gaareen firirka gantaalada.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in muwaadin Falastiini ah uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray firir ka dhashay gantaal ku dhacay Magaalada Jericho ee bariga Daanta Galbeed ee la haysto.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee Iran ku qaaddo Israel, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Weerarka Iran ayaa imanaya saacado uun ka dib, markii Ciidamada Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaadeen deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan.

Dagaalka Bariga Dhexe, hadda waxa uu u muuqdaa mid furan, waxayna ku xirnaan doontaa inuu fido jawaabta ay Israel iyo Mareykanka ka bixiyaan weerarka aargudashada ee Iran.