Iran oo weeraro khasaare badan gaystay ka gaysatay gudaha Israel

Israel ayaa la tacaaleysa khasaaraha ka dhashay weeraradii gantaalada ballaastikada loo adeegsaday ee ay xalay Ciidamada Iran ku garaaceen goobo ku yaala Koonfurta Israel.

Ciidamada Iran ayaa garaacay Magaalooyinka Dimona iyo Aran, iyadoo Dimona ay ku taalo xarunta ugu weyn nuclear-ka ee Israel, wuxuuna weerarkan dhaliyay walaac dal iyo dibadba.

Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa maanta sheegtay in 180 qof ay ku dhaawacmeen labada weerar ee lagu qaaday Dimona iyo Arad.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in 116 qof ay ku dhaawacmeen Arad, halka 64 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Dimona.

"Magaalada Arad 116 qof ayaa lagu dhaawacay oo ay ku jiraan 7 qof oo xaaladdoodu ay liidato. Dimona, ugu yaraan 64 qof ayaa ku dhaawacmay, iyadoo mid ka mid ah ay xaaladdiisu halis tahay." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Muuqaalo laga soo qaaday goobaha la duqeeyay ayaa muujinaya burbur ballaaran, waxayna weeraradan noqonayaan mid ka mid ah weeraradii ugu darnaa ee ay Iran ka gaysato dhulka Israel, tan iyo markii uu bilowday dagaalkan ka socdo Bariga Dhexe.

Iran ayaa si firfircoon weeraro uga gaysaneysa magaalooyinka iyo deegaanada Israel, waxaana xusid mudan in saacadihii la soo dhaafay ay gantaladeedeeda ku dhaceen qaybo ka mid ah magaalada Israel ugu weyn ee Tel Aviv.

Wasaaradda Daryeelka Bulshada Israel ayaa Axaddan sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ay ku barakaceen in ka badan 2,700 oo qof.

Wasaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in guryaha dadkan ay ku burbureen weerarada Iran, isla-markaana uu socdo dadaalo ay ku caawineyso.

Tiradan ayaa waxaa ku jira kun qof oo hoy la'aan ay soo food saartay oo ku nool Dimona iyo Arad, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Telefishinka Qaranka Iran ayaa sheegay in weerarada Dimona iyo Arad oo u dhow ay jawaab u yihiin weerarka Israel iyo Mareykanka ay Sabtidii ku qaadeen xarunta uranium-ka lagu kobciyo ee Natanz.

Weerarka Dimona ayaa dhaliyay walaac calaami ah, inkastoo aan la sheegin waxyeelo xarunta nuclear-ka Israel ka soo gaaray weerarkaasi.

Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA ayaa sheegtay inaysan ka war hayn wax waxyeelo ah oo weerarku u gaystay xarunta cilmi baarista nuclear-ka ee ku taala meel 13km koonfur bari uga beegan Dimona.

Madaxa Hay'adda IAEA, Rafael Grossi ayaa dhinacyada ku dagaalamaya gobolka ugu baaqay inay muujiyaan xakamayn militari oo aad u sarreyso, gaar ahaan meelaha u dhow dhow goobaha nuclear-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Belgium-ka, Maxime Prevot ayaa sheegay in labada weerar ee Dimona iyo Arad ay sababeen burbur ballaaran iyo khasaare aan loo dulqaadan karin, sida uu yiri.

"Dhammaan dhinacyada iska horimaadyadu waa inay ka fogaadaan beegsiga rayidka iyo kaabeyaasha rayidka." Ayuu yiri Prevot oo dhinacyada ku booriyay in ay is xakameeyaan, isla-markaana ay dabka ka fogeeyaan xarumaha nuclear-ka.

Hal weerar oo lagu beegsado mid ka mid ah xarumaha nuclear-ka ayaa shucaaca ka dhalan doona uu sababi karaa masiibo caalami ah, waana sababta ay dunidu welwelka uga muujineyso xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.