Iraq oo ceyrisay Safiirkii Sweden u joogay dalkaasi

Dowladda Iraq ayaa dalkeeda ka ceyrisay Safiirkii Sweden ee dalkaasi, haweeneyda lagu magacaabo Jessica Svärdström, xilli dibadbaxayaal careysan ay Khamiistii xoog ku galeen Dhismaha Safaaradda Sweden ee Magaalada Baghdad, dabna ay qabadsiiyeen, ka dib markii Booliska Sweden uu bixiyay ogolaansho kale oo lagu gubayo Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Calanka Iraq.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Iraq, Mohammed Shia' Al Sudani ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay ogolaanshaha Sweden ee soo noqnoqday ee lagu gubayo Quraanka Kariimka, laguna aflagaadeynayo xormada Diinta Islaamka iyo in dab la qabadsiiyo Calanka Iraq.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Iraq ay Xukuumadda Stockholm ku wargelisay in ay go'aansatay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto, maadaama ay soo noqnoqdeen dhacdooyinka la xiriira gubista Quraanka.
Raysal Wasaaraha Iraq ayaa sidoo kale u yeeray Danjiraha dalkiisa u jooga dalkaasi Sweden.
Mudaaharaad la qorsheeyay in uu ka dhaco dalkaasi Sweden ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay bannaanka Safaaradda Iraq ee Magaalada Stockholm. Mudaaharaadka oo uu soo qaban qaabiyay Salwan Momika oo u dhashay dalka Iraq ayaa sida uu qorshuhu ahaa aan lagu gubin Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Calanka Iraq.
Muuqaal laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinaya Salwan Momika oo laadaya Kitaabka Quraanka.
Sidoo kale waxaa la arkayay, isagoo sawirka Calanka Iraq ku masaxaya/tirtiraya kabihii uu watay.
Ninkan ayaa 28-kii bishii hore ee June nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka ku gubay afaafka hore Masaajid ku yaala Caasimadda Stockholm, xilli ay ku beegneyd maalinta 1aad ee Ciidda Carafo, falkaas oo si weyn uga careysiiyay dunida Muslimka.
Salwan Momika waa Masiixi degan dalkaasi Sweden.


