Israel oo 254 qof ku dishay Lubnaan, ka dib weerar ballaaran
Weerarada Israel ee Arbacadan ay ka gaysatay dalkaasi Lubnaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 254 qof, ka dib xabad joojintii labada toddobaad ee Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay fuliyeen weeraradii ugu ballaarnaa ee laga gaysto guud ahaanba Lubnaan, tan iyo markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalka Israel iyo Xisbullah, 2-dii bishii March.
Ciidanka Cirka Israel ayaa digniin la'aan garaacay dhowr goobood oo ganacsi iyo dhismayaal la degan yahay oo ku yaala magaalada ugu weyn Lubnaan ee Beirut, saacado ka dib markii lagu dhawaaqay heshiis 15 maalmood ah oo lagu joojinayo dagaalka gobolka, waxaana duqaymahan ku dhintay boqolaal qof, halka in ka badan kun kalena ay ku dhaawacmeen.
Hay'adda Difaaca Madaniga ee Lubnaan ayaa sheegtay in la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 254 qof iyo 1,165 kale oo ku dhaawacmay weeraradii Arbacadan.
Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Rakan Nassereddine ayaa sheegay in dalku uu wajahayo kor u kac halis ah, ka dib markii uu Israel ku eedeeyay inay gaysatay 100 duqaymo cirka ah oo dalka oo dhan.
"Gaadiidka Gurmadka Degdegga ayaa weli dhibaneyaasha u qaadaya isbitaalada. Waxaan ku boorinaynaa hay'adaha caalamiga ah inay caawiyaan Waaxda Caafimaadka Lubnaan." Ayuu yiri Nassereddine.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in weerarada lala beegsaday kaabeyaasha dhaqaalaha Xisbullah, isagoo aan soo hadal qaadin dadka rayidka ah ee ay ku laayeen dalkaasi.
Hase yeeshee Taliska Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in inta badan goobaha la garaacay ay ku yaallaan bartamaha dadka rayidka ah. Taliska ayaana ku andacooday in la qaaday tallaabooyin lagu yareynayo waxyeelada shakhsiyaadka aan ka midka ahayn Xisbullah, intii suurtagal ah.
Ururka Xisbullah ayaa cambaareeyay weeraradaasi oo uu ku sheegay in si toos ah loogu bartilmaameedsaday meelaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin ee duleedka koonfureed ee Magaalada Beirut, Sidon, Dooxada Bekaa iyo qaybo kale oo koonfurta dalka ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Lubnaan, Nabih Berri ayaa weeraradan ku tilmaamay dembi dagaal oo dhameystiran.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in Israel ay sii wadi doonto weerarada, isagoo sheegay in Lubnaan aysan ku jirin xabad joojinta laga sameeyay Bariga Dhexe.
"Waxaan sii wadaynaa inaan garaacno Xisbullah." Ayuu yiri Netanyahu oo ka digay in Israel ay daqiiqad kasta ku soo laaban karto dagaalka Iran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Mareykanka u bandhigay in uu kala doorto xabad joojin ama dagaal, isagoo daba jooga kororka weerarada Israel ee Lubnaan.
Wasiir Araghchi ayaa sheegay in shuruudaha heshiiska xabad joojinta ee labada toddobaad ay yihiin kuwo cad oo si toos ah loo qeexay, isagoona Mareykanka ka dalbaday inuu fuliyo ballanqaadkiisa.
Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo dalkiisu uu dhexdhexaadiye ka ahaa heshiiskan ayaa sheegay in Lubnaan ay qayb ka tahay xabad joojinta lagu heshiiyay, laakiin Netanyahu ayaa ganafka ku dhuftay.














