Israel oo aqbashay xabad joojin ku-meel-gaar ah

Israel ayaa waxay aqbashay in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo Marinka Gaza, ka dib soo jeedin uga timid Ergayga Madaxweynaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddu ay aqbashay soo jeedintaasi oo ku saabsan xilliyada Ramadanka iyo Ciidda Yahuudda.

Ramadanka ayaa soconaya 1-da illaa 29-30-ka bishan March, halka munaasadaha Yahuudda ay socon doonaan illaa 19-ka bisha soo socota ee April.

Ku dhawaaqistan ayaa timid, iyadoo wejigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza uu dhammaaday Sabtidii, isla-markaana aan weli lagu heshiin hirgelinta wejiga labaad.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Raysal Wasaare Netanyahu uu xalay kulan wadatashi ah la yeeshay Golihiisa Wasiirada iyo hay'adaha ammaanka, kaas oo la xiriiray xaaladda heshiiska.

Saraakiisha Masar iyo Qatar oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa habeenkii Khamiista bilaabay wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas, si loo xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray. Wada hadaladii ugu dambeeyay ee Qaahira ayaa xalay ku soo dhammaaday natiijo la'aan.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegtay in wafdigii Israel ku metelayay wada hadalada ay dib ugu soo laabteen dalka.

Xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ayaa sahleysa in dadka reer Gaza ay si nabdoon ku soomaan maalmaha bisha Ramadan, si ka duwan sanadkii hore oo dagaal ay ku dhameysteen.

Wejiga koowaad ee heshiiskii xabad joojinta ayaa hakiyay wax ka badan 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Marinka Gaza.