Israel oo awaamiir duldhigtay dadka Lubnaan, xilli duqaynta Beirut ay socoto
Taliska Militariga Israel ayaa shacabka dalka Lubnaan ku amray in ay si degdeg ah uga fogaadaan kaabeyaasha militari iyo xarumaha kale ee Ururka Xisbullah.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa shacabka ku dhaqan Caasimadda Beirut ku wargeliyay inay 500 mitir ka fogaadaan dhismayaasha gaar ee Xisbullah.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay bartilmaameed yihiin dhammaanba xarumaha Ururka Xisbullah, dadkuna ay tahay inay ka fogaadaan.
Awaamiirtan ayaa jahwareer badan ka abuurtay magaalada, iyadoona kumanaan qof ay xalay khasab ku noqotay inay ku hoydaan waddooyinka, jardiinooyinka iyo weliba dhulka xeebta.
Dhanka kale Ciidanka Cirka Israel ayaa xalay garaacay bartilmaameedyo fara-badan oo Beirut ah, ka dib duqayntii weyneyd ee xalay fiidkii lagu beegsaday, waxa ay Militariga Israel ku sheegeen Xarunta Dhexe ee Xisbullah.
Militariga Israel ayaa sheegay in Xisbullah ay gantaaladeeda ku kaydineyso dhismayaasha Beirut.
"Ciidanka Difaaca Israel ayaa hadda wada weeraro qorsheysan oo lagu beegsanayo hubka ay leeyihiin Xisbullah oo lagu kaydiiyay dhismayaasha rayidka ee ku yaala xaafadda Dahieh." Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Militariga Israel.
Dadka reer Beirut ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay illaa aroornimadii hore ee saaka ay maqleen illaa 20 qarax oo waaweyn.
Duqaymahan xiriirka ah ayaa yimid 90 daqiiqo ka dib, markii Afhayeenka u hadlay Militariga Israel uu dadka degan dhowr xaafadood oo koonfurta Beirut ah ku wargeliyay inay ka baxaan agagaarka dhismayaasha Xisbullah.
Ciidanka Cirka Israel ayaa sidoo kale garaacay bartilmaameedyo ay Xoogaga Xisbullah ku leeyihiin Dooxada Bekaa ama Beqaa ee bariga dalkaasi Lubnaan.
Xaaladda ayaa waxaa cad inay faraha ka sii baxeyso, iyadoona Israel ay weli diidan tahay baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in xaaladda la dejiyo.