Israel oo burburisay kanaalkii biyaha ee Isbitaalka Al-Shifa

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqaymaha ay ka gaysanayaan Marinka Gaza, xilli ay ka sii dareyso xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay burburiyeen kanaalkii biyaha keenayay isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa Hospital.

Madaxa Isbitaalka Al-Shifa, Muhammad Abu Salmiya ayaa sheegay in Militariga Israel ay qarxiyeen kanaalkii ugu muhiimsanaa ee biyaha keeni jiray isbitaalkooda.

Waxa uu sheegay in ay dhammaadeen biyihii iyo oxygen-kii isbitaalka, xaaladduna ay faraha ka baxday, waana xilli maalmihii ugu dambeysay ay shidaal la'aan ka jirtay isbitaalkaasi.

Ciidamada Israel oo ku sugan isbitaalkaasi ayaa waxa uu Muhammad Abu Salmiya sheegay in shaqaalaha caafimaadka aysan u kala gudbi karin qaybaha isbitaalka, baqdin ay ka qabaan toogashada ay mararka qaarkood isbitaalka ka gaysanayaan ciidamadaasi.

Muhammad Abu Salmiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabooyinka ay Israel kaga sii dareyso xaaladda isbitaalka iyo guud ahaanba Gaza.

Isgaarsiinta Gaza ayaa Khamiistii go'day, sababo ku aaddan shidaal la'aan soo wajahday shirkadaha bixiya adeegga isgaarsiinta ee Marinka Gaza.

Labada shirkadood ee ugu weyn isgaarsiinta Gaza ayaa sheegay in adeegyadii ay bixinayeen, sida isgaarsiinta teleefanada iyo khadka internet-ka ay hawada uga maqan yihiin shidaal la'aan.

Dhanka kale diyaaradaha Israel oo waraaqo ku daadiyay koonfurta Gaza ayaa dadka rayidka ah lagu faray in ay isaga baxaan halkaasi, gaar ahaan deegaanka Khan Yunis.

Dadka ayaa lagu wargeliyay in Ciidamada Israel ay hawlgalo ka fulin doonaan halkaasi, ayna tahay in ay guryahooda isaga baxaan.

Horaan, Israel ayaa sidaan oo kale boqolaal kun oo qof uga soo barakacisay waqooyiga Gaza, oo markaasi ay dadka ku amartay in ay taggaan koonfurta Gaza, balse xilligan maysan sheegin halka ay dadku aadayaan.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in xaalad aan la arag ay ka abuureen labada daamood ee Gaza.

Philippe Lazzarini ayaa sheegay in si ula kac ah la isugu dayay in loo joojiyo shaqada ay Hay'adda UNRWA ka waddo Marinka Gaza.

Lazzarini ayaa caalamka ugu baaqay in ay qaadaan tallaabooyin sahlaya in shidaalka la geeyo Gaza, haddii si weyn loogu baahi qabo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay duqaymaha Israel ay hadda sii caga-cageynayso 11,470 qof, oo ay ku jiraan 4,700 carruur ah, 3,155 haween ah iyo 688 dad da' ah.

Si kastaba ha-ahaatee awaamiirta ay Israel ku soo rogtay dadka ku sugan koonfurta Gaza ayaa imaanaysa, xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu habeen hore meelmariyay qaraar ku baaqaya in si degdeg ahi loo joojiyo colaadda Gaza.