Israel oo dalalka caalamka ka codsatay inay xiriirka u jaraan Maxkamadda ICC
Israel ayaa sheegeysa inaanan loo baahneyn inay sii shaqeyso Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), oo soo saartay waaran lagu soo xirayo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, Wasiirkii hore ee Difaaca Israel, Yoav Gallant iyo Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif.
Safiirka Israel u jooga Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa waaranka ka dhanka ah Raysal Wasaaraha Israel iyo Gallanta ku tilmaamay go'aan siyaasadeed oo ceeb ah.
Safiirka ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay mucaaradaan shaqada maxkamadda, isla-markaana ay qaadacaan go'aankeedan.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta ayuu xulafadooda ugu baaqay inay iska diidaan amarka maxkamadda iyo cid walba oo la shaqeysa.
Maxkamadda ayaa sheegtay in waaranka ka dhanka ah Netanyahu iyo Gallant uu ku saabsan yahay dembiyo dagaal oo Israel ay ka gaysatay Marinka Gaza.
Danny Danon, Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay sii wadi doonto weeraradeeda Gaza, illaama laga soo sii deynayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
"Ma jiri doonto xabad joojin, iyadoo aan la sii deynin amaba la soo furan la haysteyaasha. Ma jiri doonto xabad joojin dadkaasi la'aantood." Ayuu yiri Danon.
Danon oo soo hadal qaaday qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee Arbacadii lagu dalbanayay xabad joojinta Gaza, balse uu Mareykanku ku hor istaagay Veto ayaa ku dhaliilay dalalka taageeraya xabad joojinta inaysan wax shuruud ahi ku xirin sii deysmada dadkaasi. Inkasta oo goluhu uu ku baaqay in la sii daayo la haysteyaasha, haddana aanay codsan si si shuruud la'aan ah lagu sii daayo, marka loo eego in ay si degdeg ah oo bilaa shuruud ah u codsadeen in la joojiyo dagaalkan lagu hoobtay.
Qaraarkan ayaa waxaa soo diyaariyay 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, waxaana taageeray 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee golahaasi. Mareykanka ayaana noqday dalka keliya ee diiday, isla-markaana adeegsaday codka diidmada qayaxan ee Veto.
Adeegsiga Mareykanka ee Veto ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay aqlabiyadda, iyadoo Mareykanka uu ka mid yahay 5-ta dal ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee leh awoodda Veto. Haddii 5-taasi dal uu midkood diido qaraar kasta oo golaha la horkeeno ayuu macnaheedu yahay in qaraarku aanu shaqeyneyn, illaa shantooduba ay ansixiyaan. Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Mareykanka ayaa ah dalalka adeegsan kara Veto.
Tan iyo markii uu soo baxay amarka Maxkamadda ICC, masuuliyiinta Israel ayaa si adag u dhalleeceeyay waaranka lagu soo xiri karo Netanyahu iyo Gallant.
Wasiirka Gaadiidka Israel, Miri Regev ayaa ku qeexday go'aanka maxkamadda Yahuud naceyb casri ah oo huwan caddaaladda, sida ay tiri.
Maxkamadda ayaa go'aankan soo saartay, ka gadaal markii Ciidamada Israel lagu eedeeyay in ay xasuuq iyo dembiyo dagaal ka gaysanayaan Marinka Gaza.
Baaritaanada madaxbannaan ee ay hay'aduhu sameeyeen ayaa lagu ogaaday in dagaalka Israel ee Gaza uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.