Israel oo dalalka Yurub ku eedeysay inay hurinayaan Yahuud naceyb

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa dalalka reer Yurub ku eedeeyay in ay hurinayaan Yahuud naceyb, ka dib toogashadii habeen hore ka dhacday Magaalada Washington ee lagu dilay laba ka mid ah Shaqaalaha Safaaradda Israel ee Mareykanka.

Nin hubeysnaa oo ku qaylinayay 'Falastiin ha xorowdo' ayaa labada qof ku toogtay bannaanka Madxafka Yahuudda ee magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in dhimashada labadaasi qof ay tahay natiijo toos ah oo ka dhalatay buu yiri sunta kicinta naceybka ee ka dhanka ah dadka reer Israel iyo Yahuudda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in falcelinta kaga imaneyso reer galbeedka ay hurineyso sida uu yiri rabshado ka dhan ah dadka Yahuudda ah.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in diidmada Yurub ee hawlgalka Israel ee Gaza ay si toos ah u saameynayso amniga Israel iyo in dadka Yahuudda lagu beegsado dalalka dibadda.

Wasiirka ayaa ku andacoonaya in uu jiro khad isku xiraya kicinta Yahuud naceybka iyo beegsiga dadka Yahuudda, sida uu yiri.

"Kicinta Yahuud naceybka ayaa waxaa ku lug leh madax iyo masuuliyiin ka kala socda dalal badan iyo hay'ado caalami ah, gaar ahaan kuwa Yurub ka socda." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel.

Christophe Lemoine, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa eedeyntan ku tilmaamay gebi ahaanba mid laga caroodo, oo aan wax qiil ah lahayn.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in la adkeeyo amniga diblomaasiyiinta Israel ee ku sugan caalamka oo dhan.

Reer galbeedka iyo Israel ayaa si aan horey loo arag ugu kala fogaanaya ficilada Israel ee Gaza, ka dib markii Tel Aviv ay dhegaha ka fureysatay baaqyada loogu jeedinayo in aanay uga sii darin xaaladda bani'aadantinimo ee dadka reer Gaza.

Dowladaha Yurub ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay dhalleeceynta ay u jeedinayaan Israel, markii ay ka madax adeygtay in ay joojiso hawlgalka cusub ee ay Axaddii ku dhawaaqday in ay ka bilowday Gaza, maadaama uu uga sii darayo dhibaatada quusta ah ee lagu hayo dadka halkaasi ku nool.

Dowladaha galbeedka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay joojiso xasuuqeeda Gaza, inay fasaxdo nooc kasta ee gargaarka la gaynayo gudaha Gaza iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee Daanta Galbeed, loona jeesto xaqiijinta xalka laba dal oo deris ah, isla-markaana nabad ku wada nool.