Israel oo duqayn ka gaysatay goobo ku yaala Gobolka Khuzestan

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa galabta illaa caawa fiidkii garaacay dhowr goobood oo ku yaala Gobolka Khuzestan ee koonfur galbeed Iran.
Wakaaladda Wararka Mehr ee laga leeyahay dalkaasi ayaa ku warantay in qaraxyo xoogan laga maqlay meelaha uu weerarka ka dhacay ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in duqayntu ay ka dhacday Magaalooyinka Ahvaz iyo Andimeshk iyo bannaanka magaalada kale ee Mahshahr.
Weerarka Ahvaz ayaa la sheegaya in ay waxyeelo ka soo gaartay guryo la degan yahay oo ku yaala magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka Magaalada Ahvaz ay xuduntiisu ahayd Sepidar, halkaas oo uu ku yaalo xabsi lagu xiro dumarka qabatimay maandooriyaha.
Warbaahinta maxaliga ayaa sheegtay in dhowr qof lagu dilay Magaalada Andimeshk, ka gadaal markii la beegsaday ceel biyaha siiya dhul beereed ku yaala magaaladaasi.
Kororka weerarada hawada ee labada dal ayaa calaamad ah, sida uu u sii xoogeysanayo dagaalka Israel iyo Iran.
Dagaalka labada dal oo saamayn togan ku leh Gobolka Bariga Dhexe ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Israel ay 13-kii bishan weerar ku qaadday xarumaha nuclear-ka iyo kuwa militariga ee dalka Iran.