Israel oo falcelin aan wanaagsaneyn kala kulmeysa dalalka dunida qaarkood
Israel ayaa falcelin aan wanaagsaneyn kala kulmeysa dalalka dunida qaarkood, sababtu tahay dhiigga dadka rayidka ah ee ay ku daadineyso Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa sanadkii labaad dagaal kaga jira dhulka sida weyn loo go'doomiyay, muddada dheerna ay dowladdoodu go'doominta ku hayso.
Ciidamadan, kuwoodii ay u suurtagashay fasaxa dibadda ayaa hadda lagu ugaarsanaya dalalka ay dalxiiska u tagayaan, iyadoona uu ujeedku yahay in lagu la xisaabtamo dembiyada ka dhacay Gaza ee ay qaybta ka yihiin.
Askari Israeli ah oo la ogaaday inuu ka dagaalamay Marinka Gaza ayaa ka baxsaday dalka Brazil, xilli uu jiray isku day lagu doonayay in xabsiga loogu taxaabo.
Askarigan ayaa lagu eedeeyay in uu qayb ka yahay dembi dagaal oo ciidamadoodu ka gaysteen gudaha Gaza. Garsoore Brazil ah ayaa dhowr cisho ka hor ku amray booliska inay baaraan askarigaasi, iyadoo laga jawaabayo ashtako ay ka soo gudbisay Hay'adda Hind Rajab Foundation (HRF).
Hay'addan oo si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Israel ee Gaza ayaa askarigan ku soo eedeysay in uu wax ka burburiyay guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha dadweynaha ee Gaza. Burburinta ula kaca ah ee dhismayaasha ayaa ah dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
Kiiskan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dacwado xiriir ah oo hay'addan ay ka soo gudbisay Ciidamada Israel ee ku sugan dibadda.
Hind Rajab Foundation ayaa sidoo kale qalqalgelisay askar booqaneysay dalalka Sri Lanka, Thailand, Chile iyo dalal kale, waxayna dowladahaasi la wadaagtay sawirada askartaasi oo ku sugan Gaza.
Chile ayaa toddobaadkii hore xirtay askari Israeli ah, kaas oo ay caddaatay inuu ka dagaalamay Marinka Gaza. Xarigiisu wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii qareeno u dhashay dalkaasi ay dalbadeen in la soo xiro askarigaasi
Safiir hore oo reer Chile ah, laguna magacaabo Nelson Hadad ayaa Jimcihii sheegay in soo qabashada askarigaasi ay tahay mid lagaga hortagayo in uu dalka ka baxsado.
Wuxuu sheegay inay doonayaan askarigan oo lagu hayo caasimadda dalkaasi ee Santiago in loo maxkamadeeyo dembiyo uu sheegay inuu ka gaystay Gaza, korna loogu qaado sida uu yiri sharciga caalamiga ah iyo shaqayntiisa.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa inay isa soo tareyso tirada askarta la doonayo in dalka dibaddiisa loogu maxkamadeeyo dembiyada dagaal ee ka dhacay Gaza.
Ugaarsigan cusub ayaa Ciidamada Israel ku riixaya inay soo afjaraan booqashooyinka ay ku joogaan dalalkaasi iyo inaysanba booqan dalalka aan xulafado dhow la ahayn Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa Axaddii sheegay in waxa uu ugu yeeray canaasiir ka soo horjeeda Israel ay bartilmaameedsanayaan ciidamadooda.
Wasiirka ayaa sheegay in Tel Aviv aysan ogolaan doonin in askarteeda lagu jiidjiido dalalka shisheeye, isla-markaana ay kala hadli doonaan inaanan askartaasi lagu xirin dalalkooda.
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa guuldarro weyn oo siyaasadeed ku tilmaamay qalqalka soo food saaray ciidamadooda dalxiiska ku maqan, isagoona sababteeda dusha kaga tuuray xukuumadda uu Raysal Wasaaraha ka yahay Benjamin Netanyahu.
Guddiga Arrimaha Dibadda & Amniga ee Baarlamaanka Israel ayaa Isniintan bilaabay in ay doodo ka yeeshaan xaaladda soo wajahday askartooda. Xildhibaanada Aqalka Knesset-ka ayaan la aqoon waxa ay falcelintoodu noqon doonto, si lagaga jawaabo arrintaasi.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda Falastiin ayaa markii ugu horreysay taariikhda si saf mareen ah dacwado ugu soo oogaya askarta ku lugta leh dembiyada ka dhacaya dhulka Falastiiniyiinta.
Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa 21-kii bishii November soo saartay amar lagu soo xirayo Raysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant, ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in labadaasi nin loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel ayaa galaaftay nolosha 45,854 qof, halka 109,139 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sii socoshada xasuuqan ayaa dhibaatada ugu yar ee ay Israel kala kulmeyso uu yahay in ay lumineyso qiyamkeedii dunida.