Israel oo garaacday Lubnaan, ka dib digniintii Iran

Ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa inay duqaymo cusub ka fuliyeen Koonfurta Lubnaan saacado ka dib, markii Iran ay ka digtay sii socoshada weerarada Israel ee ka dhanka ah Ururka Xisbullah.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in Ciidanka Cirka Israel ay Arbacadan garaacaan deegaanka Nabatieh Al-Fowqa iyo deegaanka kale ee u dhow ee Kfar Tebnit.

Wakaaladda Wararka NNA ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad dagaal ay duqayn la beegsatay goob ku taala magaalada istiraatiijiga ah ee Bint Jbeil ee Gobolka Nabatieh (Nabatiyeh) ee ku dhow xuduudda.

NNA waxay kaloo sheegtay in duqayn cusub laga soo wariyay magaalada shanaad ee dalka ugu weyn ee Tyre ee ku taala Koonfurta Lubnaan.

Taliska Militariga Israel ayaan weli ka hadlin weeraradan ugu dambeeyay ee ay ka gaysteen dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan, balse waxa ay horey u sheegeen inay sii wadi doonaan weerarada ay ku beegsanayaan ururka hubeysan ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Iran (Khatam Al-Anbiya) ayaa mar sii horreysay ku hanjabay jawaab adag oo ka dhan ah Israel, haddii ay ciidamadeedu sii wadaan gardarrada Koonfurta Lubnaan.

Weeraradan laga soo sheegay Lubnaan ayaa u muuqdo kuwo xitaa ka carreysiinaya Madaxweyne Donald Trump, kaas oo Talaadadii dhalleeceeyay ficilada Israel ee Lubnaan.

Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa Isniintii ku heshiiyay in la soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe, oo uu ku jiro midka Lubnaan.

Weerarada Israel ee Lubnaan ayaa xadgudub ku ah heshiiska lagu wado in Jimcaha ay Mareykanka iyo Iran ku saxiixaan Magaalada Geneva, waana sababta uu Trump isugu dayaayo inuu xakameeyo Israel.

Trump oo shalay ka hadlayay Shirka G7 ee ka socdo Faransiiska ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu u baahan yahay inuu masuuliyad iska saaro Lubnaan.

Trump ayaa sheegay in Israel ay muddo dheer la dagaalameysay Xisbullah, isla-markaana ay dishay dad aad u badan oo shacabka Lubnaan ah.

"Mareykanka la'aantiis ma jirteen Israel. Aniga la'aantee ma jirteen Israel, sababtoo ah ma jiro Madaxweyne kale oo diyaar u ah inuu sameeyo, waxaan u sameeyay." Ayuu yiri Trump.

Israel ayaa tan iyo 2-dii bishii March dagaal kula jirta Xoogaga Xisbullah, iyadoo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen kumanaan qof, halka in ka badan hal milyan oo kalena ay ku barakaceen dagaalka muddadaasi ka socdo Koonfurta Lubnaan.