Israel oo Gaza ka soo xirtay dhanka Masar

Israel ayaa kordhisay go'doominta ay ku hayso Marinka Gaza, ka dib markii ciidamadeedu ay si buuxdo ula wareegeen xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Ciidanka Difaaca Israel ayaa Talaadadii la wareegay bariga deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza, waana deegaanka ugu dambeeya Falastiiniyiinta ee xadka la leh dalkaasi Masar.

Ciidamada Israel oo wata taangiyadooda dagaalka ayaa dhulka ay qabsadeen ka dejiyay Calanka Falastiiniyiinta, iyagoona ka taagay kan Israel.

Tani ayaa timid, ka dib markii Israel ay dadkii rayidka ahaa ee ku soo barakacay deegaanka Rafah ay Isniintii ku amartay in ay banneeyeen bariga deegaankaasi.

Dadka barakayaasha oo ka jawaabaya amarka Israel ayaa ka barakacaya guryihii teendhooyinka ka sameysnaa ee billihii ugu dambeeyay ay deganaayeen. 

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay hadda gacanta ku hayaan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor, taas oo u dhaxeysa xadka Gaza iyo Masar.

Philadelphi waa aag difaac ah oo ku yaala xadka Masar ay la wadaagto Marinka Gaza, kaas oo ay ilaalinayeen Ciidamada Masar, tan iyo markii ay Israel isaga baxday Marinka Gaza, muddo haatan laga joogo ku dhawaad 19 sano.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa daba-yaaqadii bishii December sheegay in aagga xadka ee u dhaxeeya Masar iyo Gaza ay tahay in la hoos keeno Maamulka Israel.

Ciidamada Israel ayaa horey gacanta ugu hayay soohdinta Philadelphi, ka hor inta aysan isaga bixin Marinka Gaza, sanadkii 2005-tii.

Ciidamada Israel ayaa markii ugu horreysay halkaasi ka hawlgalay sanadkii 1967-kii oo Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Qudus-ta bari ee dhulka Falastiiniyiinta ay Israel ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee ay Carabta la gashay, waxayna soohdintaasi banneeyeen, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay gacanta ku hayeen.

Masar ayaa muddo dheer ka digeysay in Ciidamada Israel ay dib ugu soo laabtaan halkaasi, haddii kalena uu dhaawici doono heshiiskii nabadda ee labada dhinac.

Masar ayaa ka digtay dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo Israel ay ka sameyso waddada 100-mitir ah, bacdamaa uu nidaamiyo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel, sanadkii 1979-kii.

Qaahira ayaa hadda u muuqato mid ka soo dabacday mowqifkeedii hore, haddii ay dib u soo celisay ciidamadii faraha badnaa ee ay bartamihii bishii February soo dhoobtay xuduudda Rafah.

Dib ugu soo laabashada Israel ee Philadelphi Corridor ayaa caqabad kale ku ah xanibaadda ay muddada dheer ku haysay gargaarka bani'aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

Qaramada Midoobey iyo dalalka reer galbeedka qaarkood ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Ciidamada Israel ee soo degay Rafah ay dhibaateeyaan shacabka Falastiiniyiinta ee horey ugu soo barakacay deegaankaasi.

Deegaankan ayaa billahanba hoy u ahaa dad tiradooda lagu sheegay 1.5 milyan oo barakacayaal ah, kuwaa oo si khasab ahi guryahooda looga soo barakaciyay.

Si kastaba ha-ahaatee Masar ayaa la xusuustaa in ay horey u sheegtay in duulaanka Israel ee Rafah uu ka dhigan yahay khad cas oo Israel ay ka soo gudubtay, cawaaqibna ku ah dalkeeda, amni ahaan, nidaam iyo kala dambeyn ahaanba, haddase ma cadda waxa ay taasi kaga bedelatay Israel.