Israel oo go'aansatay in wafdigeeda u dirto dalka Qatar

Israel ayaa go'aansatay in Axaddan ay wafdigeeda u dirto dalka Qatar, si ay wada hadal dadban ula yeeshaan Saraakiisha Xamaas oo looga hadlayo soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza iyo heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista.

Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay aqbashay casuumadda ku aaddan in la bilaabo wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Xamaas.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel ayaa qoraal ku sheegay in Israel aysan aqbali karin wax ka bedelka ay Xamaas dooneyso in lagu sameeyo shuruudihii xabad joojinta lixdanka maalmood ee ay Tel Aviv aqbashay.

Xamaas ayaa waxay habeen hore sheegtay in ay jawaab wanaagsan ka bixisay soo jeedinta xabad joojinta cusub ee Mareykanka uu taageeray, isla-markaana ay aragteeda ku aaddan xabad joojinta 60-ka maalmood u gudbisay dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Israel ay ogolaatay shuruudaha xabad joojin 60 maalmood ah oo laga sameeyo Marinka Gaza, waxaana uu Xamaas ku booriyay in iyana ay aqbasho. Trump ayaa xilligaasi sheegay in muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay dhinacyada kala shaqayn doonaan, sidii loo soo afjari lahaa dagaalkan.

Ururka reer Falastiin ayaa la sheegay in uu aqbalay qorshaha guud ee xabad joojinta, laakiin uu codsaday in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaarkood, sida in Mareykanku uu damaanad qaado in dagaalku aanu dib uga bilaaban doonin Gaza, haddii iyaga iyo Israel aysan isku fahmin wada hadalada ay tahay in lagu soo afjaro colaadda Gaza.

Sarkaal Falastiini ah ayaa sheegay in Xamaas ay dhexdhexaadiyeyaasha weydiisatay in ay jirto damaanad qaad ah in colaadda aysan dib u bilaaban doonin, haddii wada hadalada xabad joojinta joogtada ah ay fashilmaan, waana waxa uu Xafiiska Netanyahu ku sheegayo in Israel aysan aqbali karin wax ka bedelka ay Xamaas dooneyso in lagu sameeyo shuruudahaasi.

"Is bedelka ay Xamaas dooneyso in lagu sameyso hindisaha xabad joojina waa mid aysan Israel aqbali karin." Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Netanyahu.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo qiimeynta xaaladda uu Raysal Wasaare Netanyahu amray in la aqbalo martiqaadka wada hadalada iyo in la raadiyo xiriirka lagu soo celinayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, iyada oo loo marayo dariiqa diblomaasiyadda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Israel ku meteleysa wada hadalada ay maanta u safri doonto Caasimadda Doha.

Wafdiga Israel ayaan si toos ah u horfariisan doonin wafdiga kale ee Xamaas, balse Saraakiisha Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa marba koox la kulmi doona, si ay uga dhageystaan waxyaabaha ay ku gorgortamayaan.

Saraakiisha dhexdhexaadiyeyaasha ayaa labada dhinac u kala gudbin doona aragtiyadooda ku saabsan, waxa ay xalka u arkaan, si ugu dambayn haddiiba ay suurtagasho loo gaaro heshiis horseedaya in maxaabiis is dhaafsi la sameeyo.

Madaxweyne Trump ayaa la aaminsan yahay in dalka martida loo yahay ee Qatar uu ku cadaadinayo in uu Xamaas culeys ku saaro in si dhakhsa ah heshiiskan loo saxiixo.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Madaxweynuhu uu Raysal Wasaaraha Israel ku riixi doono in ay galaan heshiiskan, marka Isniinta berrito ah uu ku qaabilo Aqalka Cad.

Lama sheegin waqtiga saxda ah ee ay wada hadalada ka bilaabanayaan Magaalada Doha, waxaase la filayaa in si degeg ah ay wada hadalada aan tooska ahayn uga bilaaban doonaan magaaladaasi.

Wada hadalada Doha ayaa la qiyaasayaa in ay adkaan doonaan, haddii aysan dhinacyadu tanaasulaad muujin, si xal loogu helo dulduleelada haray.

Inkastoo labada dhinacba ay aqbaleen xabad joojinta uu Mareykanku gadaal ka riixayo, haddana waxa ugu weyn ee wada hadalada adkeynayo ayaa lagu sheegay mustaqbalka Ciidamada Israel ee joogitaankooda Gaza, maadaama kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay ka dheregsan yihiin inta ciidamadaasi ay joogaan Gaza uu dagaalka xilli kasta dib uga bilaaban karo.

Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxay fahamsan yihiin walaaca Xamaas, ee ah in aanan la aamini karin Israel, maadaama aysan aalaaba ixtiraamin heshiisyada la galo, isla-markaana ay jebisay heshiiskii ugu dambeeyay ee saddexda wareeg ka koobnaa ee la gaaray 15-kii bishii January, ka gadaal markii ay bishii March ka hortimid in loo gudbo wejiga labaad, dibna ay u soo celisay duqaymaheedii Gaza.

Cadaadiska Trump iyo rabitaankiisa ku saabsan in xabad joojin laga sameeyo Gaza ayaa go'aamin doona natiijada.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiyaha keliya ee ajnabi ah ee Israel ka joojin kara in la sii wado dagaalka Gaza.