Israel oo kordhisay beegsiga ay ku hayso goobaha dadka rayidka ah ee Gaza

Israel ayaa laba laabtay beegsigeeda ka dhanka ah goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah iyo Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ee Marinka Gaza.

Duqaymo dhanka cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay bartamaha Marinka Gaza ayaa galaaftay nolosha 36 qof oo rayid ahaa, iyadoo ayna jiraan dad weli ku hoos jira burburka dhismayaasha.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa laba weerar ka fuliyay xerada ay dadka barakacayaasha degan yihiin ee Nuseirat, isla-markaana ay ku dileen 36 qof, inta la ogyahay.

Ugu yaraan 25 qof oo ku dhintay hal duqayn ayaa meydadkooda la geeyay Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee ku dhow Deir Al-Balah. 11 kale oo ku dhintay duqayntii labaad ayaa iyana meydadkooda la gaarsiiyay Isbitaalka Al-Awda.

"Weerarkii ugu horreyay oo saakay dhacay ayaa lagu qaaday guri afar dabaq ah, oo ay gabaadsanayeen qoysas barakacayaal ah, waxaana halkaasi deganaa illaa 100 qof." Ayay bayaan ku sheegtay Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza.

Afar qoys iyo dad kale oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay agagaarka guriga ayaa ku hoos jira burburka hoostiisa, sida uu sheegay Afhayeenka Difaaca Madaniga, Rami Al Aida.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegay in qudhooda ay noqdeen bartilmaameed, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay dhowrkii cisho ee ugu dambeysay ay kordhiyeen duqaymaha baahsan ee ay ka gaysanayaan koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Hay'addu waxay sheegtay in shaqaalaheeda iyo gaadiidka ambulance-ka lagu weerarayo bugcad kasta oo ka tirsan sida ay sheegtay Marinka Gaza.

Dhanka kale Hay'adda Human Rights Watch ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay duqaymo ku hayaan shaqaalaha gargaarka.

"Ciidamada Israel waxay garaaceen goobaha la yaqaano ee shaqaalaha gargaarka ee Marinka Gaza ugu yaraan sideed jeer, tan iyo October 7-deedii, inkastoo ay hay'aduhu bixiyaan isku-duwayaal, si aan loo beegsan, loona ilaaliyo." Ayay tiri Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa ku warantay "Weeraradu waxay muujinayaan ciladaha aasaasiga ah ee nidaamka jahwareerka ah."

Taliska Militariga Israel ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeymahan ugu dambeeyay ee uga yimid Hay'adda Human Rights Watch.

Weerarada waxashnimada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa ah mid ay ku quus gelineyso shacabka Falastiiniyiinta ee doonaya in ay ku noollaadaan sharaf iyo karaamo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ay gaartay 35,173 qof.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabaan tirada dhimashada ee ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, ka dib markii Israel ay su'aal ka keentay kororka tirada dhimashada ee dadka aan waxba galabsan.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sidoo kale daabacay tirada ay diiwaangelisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Farhan Haq ayaa isna sheegay inay si joogto ah u soo xigtaan tirooyinka ay diiwaangeliso wasaaradda, wax shaki ahna aysan ka qabin.

Muddada toddobada bilood ee Israel ay duulaanka ku hayso Marinka Gaza ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 79,061 qof. Dadka ku dhintay weerarada Israel iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay ayaana u badan dumar iyo carruur.