Israel oo kordhisay duqaymaha Magaalada Gaza, xilli dad badan ay diideen inay ka baxaan

Militariga Israel ayaa sii xoojinaya duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ay ka gaysanayaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, xilli dad badan oo degan ay diideen in ay ka baxaan.

Israel ayaa dadka rayidka ah ku cadaadineysa in ay ka guuraan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, iyadoo ku andacooneysa in ciidamadeeda ay ka wadaan hawlgal lagaga sifeynayo Xoogaga Xamaas.

Inkasta oo tiro yar oo ka mid ah dadka deegaanka ay isaga barakacayaan magaalada, haddana intooda badan ayaa waxay ka horyimaadeen in laga raro guryahooda iyo teendhooyinka ay gabaadsanayaan, si aan loo bartilmaameedsan, sababtoo ah ma haystaan meel kale oo ay gabaadsadaan amaba ay ku badbaadi karaan.

Militariga Israel oo adeegsanaya isgaarsiin kala duwan oo teleefanada gacanta ee shacabka ay qayb ka yihiin ayaa dadka ku amraya in ay taggaan koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo horey ay gabaad uga dhigteen ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku hooyanaya guryo ka sameysan teendhooyin, tiiyoo haddana aysan ku badbaadeen. Iyadoo dadka halkaasi la isugu geeyay ay ciriiri iyo nolol xumo ka cabanayaan ayaa haddana loogu daray in cirka laga duqeeyo.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa hadaf ka dhiganaya dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka ee Magaalada Gaza oo si weyn ay u burburinayaan.

Dadka reer Gaza ayaa sheegay in Israel ay sii xoojisay duqaymaha aan kala sooca lahayn ay ka gaysaneyso magaaladaasi, xilli hawlgalka ay ka waddo uu galay toddobaadkiisii labaad.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in Ciidanka Cirka Israel ay si ku talagal ah u beegsanayaan goobaha uu rayidku ku badan yahay.

Maanta oo keliya in ka badan 40 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqaymaha baahsan ee Israel ku garaaceyso magaaladaasi.

Hay'adda Amnesty International iyo ururada kale ee xuquuqul insaanka ayaa dhalleeceeyay kororka weerarada Israel ee magaaladan, waxayna ka diggeen cawaaqib aan laga soo kaban karin oo ku wajahan shacabka Falastiin.

Israel ayaa iska indha tireysa sharciga caalamiga ah bani'aadantinimada ee ilaalinaya nolosha dadka rayidka ah iyo hantidoodaba.

Dilka dadka rayidka ah, qaxintooda, burburinta guryahooda iyo goobaha danta guud ayaa ah dembi dagaal, balse Israel ma ogola in ay ku xadgudbeyso sharciyadii ay dunida qoratay, si loogu kala badbaado.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa ku hanjabay in ay si buuxda ula wareegayaan magaaladan, burburinteedana ay qayb ka tahay qorshahooda guud ay kaga ciribtirayaan Xamaas.

In ka badan 64,750 oo qof ayaa ku dhintay weerarada Ciidamada Israel ee Marinka Gaza, halka 164,059 kalena ay dhaawacmeen, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.