Israel oo ku dhawaaqday in deegaameyn ballaaran ka sameynayso Daanta Galbeed

Maamulka Israel ayaa maanta ku dhawaaqay in deegaameyn ballaaran laga samayn doono Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto la soo dejinayo Yahuud hor leh.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in la ogolaaday in deegaamayn cusub laga sameeyo 22 goobood oo Daanta Galbeed ah, oo ay ku jiraan kuwo la dhisay, iyadoo aan la haysan fasax dowladeed, Israeliyiintii la dejiyayna dib looga raray sanadkii 2005.

Deegaanadan horey Israeliyiinta looga raray ee hadda la ogolaaday in loo sharciyeeyo ayaa kala ah Sa-nur, Ganim iyo Kadim, kuwaas oo ku yaala waqooyiga Daanta Galbeed. Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa bishii March ee sanadkii 2023 ansixiyay in muwaadiniintooda loo ogolaado inay dib ugu laabtaan deegaanadaasi, balse maamulka ayaa u baahnaa ogolaanshaha militariga, si sharcigan loo dhaqangeliyo.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in hindisaha cusub ee ballaarinta uu xoojinayo madaxbannaanida Dowladnimada Yahuudda, iyadoo la tixraacayo xaqa diiniyin ay Israel u leedahay sida uu yiri Daanta Galbeed.

"Go'aankan waa mid istiraatiiji ah oo adkeynaya xuquuqdeena taariikhiga ah iyo inaan si adag ugu jawaabno argagixisada Falastiin." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in ballaarinta deegaameynta Israeliyiinta ay Israel ka caawineyso inay ka hortagto dhismaha Dowladda Falastiin, taas oo uu sheegay inay khatar amni ku keeni doonto Israel.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa isna sheegay in la ansixiyay in 22 goobood oo deegaameyn cusub ah laga sameeyo Daanta Galbeed, si loo soo dejiyo sida uu yiri dadka Yahuudda.

Smotrich oo ah mid ka mid ah ragga ugu xagjirsan isbahaysiga garabka midigta fog ee talada haya ayaa in muddo ahba u ololeynayay in Daanta Galbeed loo sharciyeeyo Israel.

Caalamka ayaa sharci darro u arka deegaameynta iyo dhul boobka ay Israel muddada dheer ka wadday dhulka Falastiiniyiinta, taasoo ay Israel diidan tahay.

Israel ayaa Daanta Galbeed ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood socday ee ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, waxaana la sheegaa in illaa shan boqol oo kun (500,000) oo Israeliyiin ah ay dejisay in ka badan boqol goobood oo ku yaala dhulkaasi la haysto oo deegaameyn ay uga sameysay.

Israel ayaa Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Marinka Gaza ku qabsatay dagaalkii 1967-kii, inkastoo sanadkii 2005 ay ciidamadeeda kala baxday Gaza.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa toddobaadkii hore Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu yeeray in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza, in la qaado is hortaaga gargaarka iyo in Tel Aviv ay soo afjarto deegaameynta ay Israeliyiinta uga sameynayso Daanta Galbeed, haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah, islamarkaana ka dhan ah.

Israel ayaa tallaabadan qaadday, iyadoo Dowladaha Faransiiska iyo Sacuudiga ay qaban-qaabinayaan shir caalami ah oo bisha June ka dhici doona Magaalada New York. Shirkan oo lagu qabanayo Xarunta Qaramada Midoobey ee New York ayaa lagu soo nooleynaya fekerka ah in la helo xalka laba dal oo deris ah, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro colaadda ku soo noqnoqotay Gobolka Bariga Dhexe.

Faransiiska iyo Malta ayaa illaa iyo hadda xaqiijiyay in shirkaasi ay si rasmi ah ugu aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, iyagoo aaminsan inay gobolka u horseedi doonto xal siyaasadeed oo waara.

Dagaalka Gaza ayaa indhaha dunida ku soo jeediyay gabood-falada ay Israel muddada dheer ka gaysaneysay dhulka Falastiiniyiinta.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa xumaaday muuqaalkii Israel ee caalamka, iyadoo tiro dowlado ahna ay xiriirkii u jareen, waxayna xilligan lumineysaa taageeradii reer galbeedka.

Taageerada reer Yurub ee Israel ayaa si weyn hoos ugu dhacday, ka dib markii ay saddex bilood ka hor bilowday inay si ba'an u gaajeysiiso dadka rayidka ah.