Israel oo la wareegtay doonidii cuntada u wadday Gaza
Ciidamada Israel ayaa waaberigii hore ee saaka la wareegay doonida Madleen ee ka soo shiraacatay Yurub ee ay la socdeen dadka u ololeeya arrimaha nabadda.
Dadkan oo doonayay in ay jebiyeen go'doominta ay Israel ku hayso gargaarka Gaza ayaa go'aansaday in ay raashiin u soo qaadaan dadka reer Gaza, maadaama ay gaajo la ildaran yihiin, qaar ka mid ahna ayba u geeriyoodeen.
Doonida Madleen ayaa waxaa ka babanayay Calanka Ingiriiska, waana dooni ay maamulaan kooxaha u ololeeya xornimada Falastiin, kuwaas oo uu ujeedkoodu ahaa in gelinka dambe ee Isniintan ay wa-xoogaa gargaar ahi gaarsiiyaan dadka gaajada ugu dhimanaya Marinka Gaza.
Ciidanka Badda Israel ayaa xoog ku fuulay doonida, iyagoona qabqabtay dadkii la socday doonidaasi, oo ay ka mid tahay haweeneyda reer Sweden ee lagu magacaabo Greta Thunberg. Haweeneydan ayaa xubin ka ah dadka u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qaranimada Falastiin.
Ka hor inta aan la qaban Greta Thunberg ayaa muuqaal ay soo duubtay ku sheegtay in Ciidamada Israel ay ku afduubayaan biyaha caalamiga ah.
"Waxaan ka codsanayaa dhammaan saaxiibadayda, qoyska iyo asxaabta inay cadaadis ku saaraan Dowladda Sweden, si aniga iyo kuwa kaleba sida ugu dhakhsaha badan loo soo sii daayo." Ayay Greta Thunberg ku sheegtay muuqaalkan oo ku baahay barraha bulshada.
Rima Hassan oo ah xubin Faransiis ah oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub, oo iyaduna la socotay doonida ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X ku sheegtay in shaqaalihii doonta ay Ciidamada Israel ku qabteen biyaha caalamiga ah.
Ma cadda goobta loola dhaqaaqay doonida iyo waxa ay ku sugan yihiin dadkii la socday, laakiin Israel ayaa sheegtay in dadkaasi ay bad-qabaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa mar dambe sheegtay in doonida ay ku jirto gacanta Israel, iyadoona haweeneyda reer Sweden ku tilmaamtay mid neceb dadka Yahuudda. Wasaaradda ayaa gargaarkii ay waddayna ku sheegtay mid aan waxba tareynin.
"Bandhiggu wuu dhammaaday." Ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ku sheegtay qoraal, iyadoona uga la jeedda in uu fashilmay gargaarkii ay kooxdaasi dooneysay in ay gayso Marinka Gaza.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa cambaareeyay tallaabada ay Israel ku afduubatay doonida, waxayna Israel ku tilmaamtay inay tahay 'dowlad argagixiso'.
Doonida Madleen ayaa toddobaadkii hore ka soo shiraacatay xeebaha dalka Talyaaniga, waxaana socdaalkeeda Catania illaa Gaza soo qaban-qaabiyay ururka caalamiga ah ee Freedom Flotilla Coalition
Doonta ayaa sidday shixnad yar oo gargaar bani'aadantinimo ah, oo ay ku jiraan bariis iyo caanaha carruurta. Israel waxay sheegtay in raashiinkaasi la gayn doono Gaza, taasoo aysan jirin cid ka madaxbannaan oo xaqiijin karta.
Israel ayaa horey u diiday in Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee bani'aadantinimada ay gargaarka geeyaan gudaha Gaza, waxayna sameysay hay'ad NGO oo ay ku wareejisay keenista iyo qaybinta gargaarka, iyada oo markaasi xadideysa in kaalmo bani'aadantinimo oo macno leh la geeyo dhulka go'doonsan.