Israel oo laga dareemay koror xagga weerarada Iran ah

Ciidamada Iran ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay saacadaha weeraradooda ka dhanka ah Israel, waana waxa laga dareemay gudaha Israel oo dhan.

Lix qof oo Israeliyiin ah ayaa ku dhaawacmay gantaal ay Iran xilligii barqadda ee maanta ku garaacday dhisme ku yaala Magaalada Tel Aviv ee Bartamaha Israel, sida ay sheegtay Warbaahinta Israel ee KAN.

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in maanta oo keliya ay tiro gantaalo ah oo kala dambeeyay ay ku soo dhaceen magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv iyo qaybo kale oo ka tirsan dhulka Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee Iran ay saamayn ku yeesheen dhowr goobood oo guud ahaan dalka ah, balse ma sheegin waxyeelada ay gaysteen inta uu gaarsiisan yahay, ha yeeshee waxay burbur u gaysteen saddex dhisme oo la degan yahay iyo tiro baabuur ah.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa mar dambe qoraal ku sheegay in lix qof oo reer Tel Aviv dhaawacyo lagaga daweeyay goobaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Korneyl Miki David oo ka tirsan Militariga Israel ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalada lagu garaacay Tel Aviv uu culeyskiisu ahaa 100kg ama 200-pound.

"Gantaalkani wuxuu ahaa wax aynaan weli la kulmin, inta uu socdo dagaalka." Ayuu yiri Korneyl Miki David oo saaka ka warbixinayay mowjado weerar ah oo Iran ku qaadday Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa ka dib weerarkii barqaddii ka digay in Iran ay gantaalo hor leh ku soo tuurtay dhinaca Israel, tani oo noqoneyso mowjaddii saddexaad oo weerar ah maanta oo keliya.

Shacabka ayaa inta badan waqtigooda ku qaata goobaha gabaadka, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.

Shacabka Israel ayaa dareemaya in ay wajahayaan nolol ciriiri ah, kuwaas oo dhibaato badan ku qaba in waqtiga ugu badan ee maalintii iyo habeenkii ay ku qaataan gabaadka dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo. Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in dadku aysan seexan saacado ku filan oo habeenkii ah. Dagaalka ayaa la sheegay in uu carqaladeeyay noloshii guud ee ka jirtay Israel.

Israeliyiinta ayaa goobaha gabaadka ka soo baxa, marka ay teleefanadooda gacanta ugu soo dhacaan farriimo loogu sheegayo in ay xaaladdu hadda tahay mid caadi ah, laakiin marka ay godadka ku laabanayaan uma soo socdaan wax farriimo ah, oo codka seeriga digniinaha ayaa ah farriin ku saabsan in uu weerar soo socdo. Dhawaaqa seeriga ayaa u taagan farriin degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka Israeliyiinta.

Militariga Israel ayaa sidoo kale qalabka Warbaahinta ka sheega in laga feejignaado gantaalada iyo drones-ka Iran oo ku soo wajahan Israel.

Gantaalada ballaastikada Iran ayaa mararka qaarkood soo gaaraya hawada Israel, iyadoo aysan dadku maqlin codka seeriga ee digniinta.

Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa maanta sheegtay in 4,829 qof oo Israeliyiin ah ay dhaawacmeen, laga soo bilaabo 28-kii bishii February oo dagaalkan uu bilowday.

Masuuliyiinta Israel ayaa sheegay in keliya 18 qof ay ka dhinteen, muddada uu socdo dagaalka lagu la jiro Dowladda Iran, inkastoo la aaminsan yahay in Israel ay qarineyso khasaaraha dhabta ah.

Iyadoo Mareykanka iyo Israel ay si xoog badan u garaacayaan bartilmaameedyada gudaha Iran, haddana weerarada Iran ayaa u muuqdo kuwo aan la xakameyn karin.

Duulaanka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah dalkaasi Iran ayaa gobolka ka dhaliyay colaad sii fideysa, marka aad eegto in Iran ay weeraradeeda aargoosiga ah ay qaybtood ka gaysaneyso dalalka Carabta.