Israel oo mar kale indhaha dunida isku soo jeedisay
Israel ayaa mar kale kicisay dareenkii bulshada caalamka ee lagu diidanaa ficiladeeda Guracan ee Gaza, ka dib markii ciidamadeeda ay waaberigii hore ee saakay leexsadeen doonida Madleen ee ka soo shiraacatay Qaaradda Yurub ee gargaarka bani'aadantinimo u wadday Marinka Gaza.
Ciidanka Badda Israel ayaa la sheegay inay doonida ku weerareen biyaha caalamiga ah, isla-markaana ay qabqabteen shaqaalihii la socday, ayna doonida ula soo dhaqaaqeen Dekedda Ashdod.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in doonida iyo dadka la socdaba la keeno dekedda koonfureed ee Ashdod.
Wasiirka ayaa gargaar gayntooda Gaza ku tilmaamay mid dacaayad ah oo lagu taageerayo sida uu yiri Xamaas. Wasiirka ayaa Axaddii ciidamada ku amray inay ka hortaggaan doonidaasi, si aanay u gaarin xeebaha Marinka Gaza.
Doonida Madleen oo 1-dii bishan ka soo shiraacatay dalka Talyaaniga ayaa waxaa saarnaa 12 qof oo u ololeeya qaddiyadda qaranimada Falastiin, iyadoo uuna ujeedkoodu ahaa in la jebiyo xanibaadda ay Israel ku hayso gargaarka bani'aadantinimo.
Wasiir Katz ayaa sheegay in marka dhaqdhaqaaqaasha la keeno Dekedda Ashdod la tusi doono sida uu yiri muuqaalo muujinaya gabood-falada dhacay, intii uu socday weerarkii ay Xamaas hoggaamineysay ee October 7-deedii ee sanadkii 2023 lagu qaaday dhulka ay Israel maamusho ee laga xoogay Falastiiniyiinta, laakiin ay Israel ugu yeerto koonfurta Israel.
Wadamada Midowga Yurub, sida Faransiiska, Spain iyo Sweden oo muwaadiniintooda ay ka mid yihiin xubnaha saaran doonida ayaa Maamulka Israel ka dalbaday in si degdeg ah loogu soo celiyo Yurub.
Dhacdadan ayaa noqotay qodobka koowaad ee ay Warbaahinta caalamiga ah ka faallooneyso, iyadoo dadkuna ay barraha bulshada isku la wadaagayaan muuqaalo iyo qoraalo ay ku durayaan Dowladda Israel, oo dunida ay u tixgeliso dowlad aan ilaalin xuquuqda aadanaha.
Tallaabada ay Israel ku weerartay doonidaasi iyo dadkii la socdayba ayay fallanqeeyeyaasha ku macneeyeen mid uun sare u qaadeysa wacyiga bulshada caalamka iyo fahamkooda ah in Israel ay tahay dowlad wax maquunin ku dhisan, iyada oo taageero kaga haysata Mareykanka iyo reer Yurub.
Xeel-dheereyaasha ayaa ku waramaya in la wareegitaanka Israel ee doonidan iyo xarigga ay kula kacday 12-kii qof ee la socday inay dhalisay walaac caalami ah, waxayna mar kale tani ay indhaha dunida ku soo jeedisay bay leeyihiin, sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto xaaladda khalafsan ee bani'aadantinimo ee ka jirta qaybaha Gaza.
Israel ayaa March 2-deedii soo rogtay xayiraad guud oo ka dhan ah gargaarkii uu caalamka gaynayay Marinka Gaza, inkastoo ay 18-kii bishii May ogolaatay in gargaar aasaas ah la geeyo Gaza, iyadoo aan haddana ogoleyn in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ay wax gargaar ah keenaan gudaha Gaza.
Israel ayaa sameysay NGO gaar ah oo ay ku wareejisay shaqadii hay'adaha gargaarka ee keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza, iyadoo markaasi xaqiijineysa inaanan Gaza la gayn gargaar ku filan dadka rayidka ah.
Xulafada ugu muhiimsan Israel, marka laga soo tago Mareykanka ayaa cambaareeyay xanibaaddeeda gargaarka naf badbaadinta. Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa dalbaday in la soo celiyo qulqulkii gargaarka Gaza, ka hor duulaanka Ciidamada Israel ee Marinka Gaza. Hay'adaha gargaarka ayaa maalintii xuduudaha Gaza ka soo gudbinayay 500 oo gawaarida xamuulka ah, ka hor inta aanu dagaalkan bilaaban.
Tan iyo markii Israel ay bishii October ee sanadkii 2023 ku duushay Gaza ayaa waxay xadideysay gargaarka, iyadoona ay ciidamadeeda marar badan beegsadeen kolonyada gargaarka iyo Shaqaalaha Qaramada Midoobey.
Israel ayaa uga sii dartay xaaladda bani'aadantinimo ee Falastiiniyiinta reer Gaza, ka dib markii ciidamadeeda ay bishii May ee sanadkii 2024 la wareegeen deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza oo xad la leh dalkaasi Masar. Ciidamada Israel ayaa 7-dii bishaasi bilaabay inay Gaza ka soo xiraan xuduudda Masar, oo ahayd marinkii qura ee u furnaa.
Ciidamada Israel ayaa hawlgal ballaaran oo dhinaca dhulka ah ku qaaday deegaanka Rafah, xilli ay ku soo barakaceen 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.
Israel oo intaasi ka dib sii xoojineysay weeraradeeda Gaza ayaa waxay keentay in Qaramada Midoobey ay qaylo dhaan ka soo saarto dagaalka Israel, oo ay ku qeexday mid ku wajahan yahay shacabka aan hubeysneyn.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Isniintan sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay 54,927 qof iyo dhaawaca 126,615 kale, kuwaas oo ay sheegtay in dhammaantood la dhibaateeyay muddada uu socdo dagaalkan.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in 4,649 qof la dilay, 14,574 kalena la dhaawacay, tan iyo markii Israel ay 18-kii bishii March jebisay heshiiskii xabad joojinta Gaza ee socday muddada ku dhow labada bilood.