Israel oo muujisay calaamad ay ku sii joogeyso Philadelphi Corridor
Maamulka Israel ayaa waddo laami ah ka dhisaya waddada xuduudda ku taala ee kala qaybisa Marinka Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta laga haysto, balse ay Tel Aviv u taqaano koonfurta Israel, xilli Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku hanjabay inaysan ciidamada ka soo saari doonin Philadelphi Corridor.
Israel ayaa si dardar leh ku waddo dhismaha waddada laamiga ee ku taala xadka ay la leedahay Marinka Gaza, iyadoona waddadan ay si toos ah ugu xirmeyso Philadelphi Corridor oo isku xirto Gaza iyo Masar.
Dadka ka faallooda arrimaha gobolka ayaa waxay tani u arkaan calaamad muujineysa inaysan Israel diyaar u ahayn inay halkaasi ka baxaan waqtiga dhow.
Wararka ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Tel Aviv ay qorsheynayso inay waddadan u adeegsato marinka ugu weyn ee saadka iyo sahayda loo marinayo ciidamadeeda ku sugan cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa Arbacadii sheegay in Dowladda Masar ay ku guuldareysatay in ay ka hortagto hubka sida qarsooiga ah dalkeeda looga keeno ee la geeyo Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in ay jiraan marino dhulka hoostiisa ah oo isu furan sida uu yiri Masar illaa Gaza, taasna ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ka caawineyso inay helaan hubka ay ku dagaalamayaan.
Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in joogitaanka ciidamadiisa ee xuduudda Masar iyo Gaza ay muhiim u tahay amniga Israel, sidaasi daraadeedna ay khasab tahay in ciidamadu ay halkaasi sii joogaan.
Philadelphi Corridor waxay xudun u tahay dadaalada caalamiga ah ee Mareykanka uu ku doonayo in xabad joojin lagaga sameeyo Marinka Gaza.
Xamaas waxay wacad ku martay inaysan qaadan doonin wax heshiis ah, illaa iyo inta Israel ay ka aqbaleyso in ciidamadeeda ay ku celineyso barrihii ay ku sugnaayeen, ka hor dagaalka. Washington ayaa mar sii horreysay ka hortimid in Israel ay muddo dheer sii maamusho goobtaasi.
Sidoo kale Dowladda Masar ayaa ka carootay eedeymaha joogtada ah ee uga imanaya Netanyahu, iyadoona marar badan sheegtay inaysan jirin haba yaraatee wax hub ah oo iska caabinta ay ka helaan dalkeeda.
Taliyaha Ciidamada Masar, General Ahmed Fathy Khalifa ayaa Khamiistii booqasho lama filaan ah ku tegay xadka kala qaybiya Masar iyo Marinka Gaza.
Tallaabadan ayaa ka tarjumeysa, sida Dowladda Masar ay uga xun tahay eedeymaha aan caddeynta loo hayn Netanyahu ee sheegaya inay ku guuldareysatay in ay ka hortagto in Xamaas ay hubka sharci darrada ah ka hesho dhinaca Gacanka Siinaay.
Masar ayaa si weyn uga soo horjeeddo qorshaha ay Israel damacsan tahay in ay muddada dheer ku sii joogto xuduudda ay la leedahay Marinka Gaza.
Qaahira ayaa horey uga digtay dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo Israel ay ka sameyso waddada xuduudda, bacdamaa uu nidaamiyo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel, sanadkii 1979-kii.
Hase yeeshee Israel oo iska dhega tirtay digniintaasi ayaa horaantii bishii May la wareegtay Philadelphi Corridor, tanina waxay xanibtay gargaarkii bani'aadantinimo ee dadka Gaza uga imanayay dalka Masar.
Tan iyo markii Ciidamada Israel ay 7-dii May la wareegeen Philadelphi Corridor ayaa waxaan jirin wax gargaar ah oo Gaza uga yimid dhinaca Masar.
Qaahira waxay sheegtay inaysan gargaarka dib u bilaabi doonin, illaa iyo inta maamulka xadka lagaga soo celinayo gacanta Falastiiniyiinta.
Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ayuu balaceedu yahay 100-mitir, iyadoo uu illaa 13km dhirirsan yahay xuduudda Masar iyo Gaza.
Dowladda Masar ayaan wax falcelin ah ka bixin, tan iyo markii Ciidamada Israel ay soo deggeen Philadelphi Corridor. Warbaahinta gobolka ayaase ku warameysa in xiisadda labada dal ay hadda gaartay meeshii ugu sarreysay.