Israel oo qiratay in khasaare badan uu shacabka ka soo gaaray weerarada Iran
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in 13 qof ay ku dhinteen weerarada Iran, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in weerarada labadii habeen ee u dambeeyay ee Iran ka gaysatay Israel ay ku dhinteen 13 qof, halka 380 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in labadii habeen ee isku xigay ay Iran adeegsatay ku dhawaad 200 oo gantaal, isla-markaana ay beegsatay 22 goobood oo gudaha Israel ah ama ay si toos ah ugu dhaceen burburka gantaalada.
Iran ayaa habeenkii Jimcaha bilowday inay si adag uga aargudato weerarkii ballaarnaa ee ay Israel ku qaadday goobaha nuclear-ka iyo xarumaha militariga ee dalkaasi.
Warbaahinta Israel ayaa warineysa in weerarkii xalay uu dhaliyay khasaarihii ugu badnaa, marka loo eego midkii habeen hore.
Warbaahinta maxaliga ayaa sheegeysa in Iran ay habeenkii Sabtida oo xalay ahayd ay garaacday goobo ku yaala bartamaha iyo waqooyiga Israel, isla-markaana ay jiraan dhismayaal la degan yahay oo ku burburay.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa waaberigii hore ee saaka diiwaangeliyay dhimashada 10 qof iyo dhaawaca in ka badan 200 oo kale, kuwaas oo dhammaantood ku waxyeeloobay weerarkii xalay.
Xiisadda u dhaxeyso labada dal ayaa cirka isku sii shareereysa, waxayna labada dhinacba u muuqdaan kuwo sii xoojinaya weeraradooda ka dhanka ah midba midka kale.
Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa maanta shacabka Iran ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ku dhow dhow xarumaha wax soosaarka hubka ee dalkaasi.
"Joogitaankaaga meelaha u dhow xarumahan waxay khatar gelinaysaa noloshaada." Ayaa lagu yiri warka Militariga Israel.
Kororka xiisadda Iran iyo Israel ayaa walaac xoogan ku haysa dadka gobolka, waxayna hoggaamiyeyaasha sii wadaan baaqyada ay ugu jeedinayaan in ay xiisadda hoos u dhigaan.












