Israel oo sheegtay in uu socdo baaritaanka gantaalo ku soo dhacay Waqooyiga Israel, digniin la'aan

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in la baarayo gantaalo laga soo tuuray Koonfurta Lubnaan oo shalay ku soo dhacay Waqooyiga Israel, iyadoo aan halkaasi laga maqlin seeriga ka sii diga in weerar uu soo socdo.

Xoogaga Xisbullah ayaa Jimcihii tobaneeyo gantaal ku weeraray deegaanada Waqooyiga Israel, iyagoo kaga aargudanaya jebinta Israel ee heshiiska xabad joojinta Mareykanka iyo Iran ee muddada labada toddobaad lagu joojinayo colaadda Bariga Dhexe oo Lubnaan ay ku jirto.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in gantaalada Xisbullah ay ku dhaceen goobo ku yaala Magaalada Kiryat Shmona, isla-markaana aysan dadku maqlin codka seeriga digniinta. Adeegga MDA ayaa sheegay in dab uu ka kacay dhisme ku yaala magaaladaasi, ka dib markii uu gantaal ku dhacay, isla-markaana uu burbur soo gaaray dhisme kale oo gantaal uu haleelay, lamana sheegin cid wax ku noqotay.

Militariga Israel ayaa sheegay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo sababta aanu u dhawaaqin seerigu, maadaama ay gantaalo ku soo wajahnaayeen dhulka Israel.

Militariga Israel ayaa Sabtidan qoraal ku sheegay in masuuliyiinta ay khuseyso ay gacanta ku hayaan baaritaanka xaaladaha shilka ee keenay inaanu hawlgelin lakabka dareenka ee dagaalka.

Shacabka Israel ayaa si weyn ugu tiirsan dhawaqa seeriga digniinta, si ay u raadsadaan goobaha gabaadka amniga ee gantaalada laga galo, waana qorshe istiraatiiji ah oo Israel ugu talagashay in khasaaraha lagu yareeyo.