Israel oo sheegtay inaysan joojin doonin dagaalka Xisbullah, xitaa haddii xabad joojin laga gaaro colaadda Gaza

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in maamulkiisu aanu joojin doonin dagaalka Ururka Xisbullah, xitaa haddii la isla qaato hindise xabad joojineed oo lagu joojinayo colaadda Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Xisbullah ee ku sugan koonfurta dalka Lubnaan.

"Awaamiirta koonfurta iyo waqooyiga Israel way caddahay, xitaa haddii aan xabad joojin ka gaarno jiidda koonfureed (Marinka Gaza), waxaana sii wadi doonnaa dagaalka ka socda waqooyiga (koonfurta Lubnaan) ee ka dhanka ah Xisbullah." Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiirka ayaa ku celiyay inaanu joogsan doonin dagaalkaasi, illaa iyo inta ay guryahooda dib uga soo celinayaan Israeliyiintii ku barakacday colaadda xadka.

Ku dhawaad boqol kun oo Israeliyiin ah ayaa la sheegaa in ay ku barakaceen duqaymaha, tan iyo 8-dii bishii October ee Israel iyo Xisbullah isku weydaarsanayeen xuduudda.

Sidoo kale tobanaan kun oo reer Lubnaan ah ayaa xiisaddan uga maqan guryahooda, iyadoona dhulkii la deganaa ee deegaanada xuduudda uu maanta yahay mid haawanaya.

Naim Qassem, Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah oo mar sii horreysay wareysi siiyay Warbaahinta Ruushka ee Sputnik ayaa sheegay inaysan khuseyn hanjabaadaha ka soo yeeraya Madaxda Israel, waxaana uu ka dhawaajiyay in Xisbullah ay sii wadi doonto weerarada ka dhanka ah waqooyiga Israel, illaama laga joojinayo dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.

Duqaymaha isaga kala gudbaya deegaanada xadka ayaa keentay cabsi sii kordheysa, oo laga qabo inay huriyaan dagaal gobolka oo dhan ah.

Saraakiisha Xisbullah ayaa sheegay in weeraradooda ay yihiin kuwo ay ku garab taagan yihiin dadka reer Gaza ee wajahaya gacanta adag ee Ciidamada Israel.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa isku dayaya in la dejiyo xiisadda xuduudda, si looga hortaggo dagaal ballaaran oo dhex mara labada dhinac.