Israel oo shuruud ku xirtay joojinta go'doominta adag ee Gaza

Maamulka Israel ayaa ku hanjabay inaanay qaadi doonin go'doominta ay ku soo rogayn Marinka Gaza, illaa iyo inta ay Xoogaga Xamaas ka sii deynayaan dadka ay afduubka u haystaan.
Israel Katz, Wasiirka Tamarka Israel ayaa ku goodiyay in Tel Aviv aysan ogolaan doonin inay fasaxdo adeegyada biyaha, korontada iyo gargaarka bani'aadanimo, inta laga sii deynayo dadka la haysteyaasha ah.
"Gargaarka bani'aadantinimada u fasixi mayno Gaza, wax koronto ahna lagama isticmaali doono, tuumbooyinka biyaha lama furi doono, baabuurta shidaalkana ma geli doonaan, illaama dadka laga afduubay Israel dib loogu soo celinayo dalkooda." Ayuu yiri Wasiirka.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ciqaab wadareedka ay dadka reer Gaza wajahayaan in ay tahay dembi dagaal oo Israel ka gaysaneyso dhulka Falastiiniyiinta, iyadoona ku baaqday in maamulkaasi uu si dhakhsi ah u qaado go'doomintaasi.
Xoogaga Xamaas ayaa la aaminsan yahay in weerarkii Sabtida ay ku soo qafaasheen dad fara-badan, oo isugu jira Israeliyiin iyo ajaaniib.
Israel ayaa sheegtay in Xamaas ay weerarkaasi ku dishay 1,300 oo qof, in ka badan 3,300 oo kalena ay ku dhaawacday.
Xamaas ayaa goor sii horreysay baahisay muuqaal ay ku sheegayeen in ay sii daayeen saddex qof, oo ay ku kala sheegeen hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay.
Israel iyo xulafadeeda ayay wax la yaab lihi ku noqotay in weerar sidaasi u abaabulan ay Xamaas ka fuliso dhulka la haysto.
Xoogaga Xamaas ayaa aroornimadii Sabtida weerar isugu jira dhul, bad iyo cirba ku ekeeyay Israel, iyadoona weerarkaasi lagu sheegay kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ee Xamaas ka gaysato goobo kala duwan oo Warbaahinta maamulkaasi ay ku sheegtay koonfurta Israel.


