Israel oo si ku-meel-gaar ah u hakisay howlihii Garoonka Ben Gurion

Hay'adda Duulista Israel ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv, ka dib weerarkii gantaal ay Xuuthiyiinta Axaddii ku qaadeen garoonkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa gantaal laga soo tuuray dalka Yemen ku weeraray xeendaabka garoonkaasi, taasna ay caqabad ku noqotay howlihii ka socday garoonka ugu weyn ee Israel.

Weerarka ayaa sababay in diyaarado badan oo hawada ku soo jiray ay alaabtaan, ka dib markii lagu wargeliyay in ay dib u laabtaan, iyadoo aan xitaa loo sheegin garoomo kale oo gudaha Israel ku yaala oo ay ku degi karaan.

Duulimaadyada caalamiga ah sida Lufthansa, Air France, US carrier Delta iyo Wizz Air ayaa baajiyay duulimaadyadoodii ay saacadihii dambe ee shalay ku tagi lahaayeen Tel Aviv, ka dib weerarka loo adeegsaday gantaalka nooca ballaastikada ay ururka reer Yemen ku weerareen Garoonka Ben Gurion.

Sidoo kale shirkadaha diyaaradaha reer Yurub ayaa shalay baajiyay duulimaadyadii ay uga ambabaxayeen garoonkaasi ee la qorsheeyay inay ku taggaan Magaalooyinka Frankfurt, Munich, Vienna iyo Zurich, illaa Talaadada.

TUS Airways, British Airways iyo Air India ayaa sheegay inaysan wax duulimaad ah ku tagi doonin Tel Aviv, illaa maalinta Talaadada.

Shirkadda duulimaadyada Talyaaniga ee ITA Airways ayaa ku dhawaaqday inay go'aansatay inay joojiso duulimaadyadii Roma iyo Tel Aviv, illaa laga gaarayo maalinta Arbacada, maadaama duruufaha jira aysan u saamaxeyn in si nabadgelyo ah ay ku taggaan Israel.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in garoonku uu sii xirnaan doono, illaa maalinta Arbacada ee soo socota.

General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay safarka garoonkaasi, maadaama sida uu sheegay aanu ahayn mid ammaan ah.

"Garoonka Ben Gurion ammaan uma ahan safarka diyaaradaha. Sidaas daraadeed waa in laga fogaadaa." Ayuu yiri Yahya Saree.

Israeliyiinta ayaa wax ceeb ah u arka in garoonkooda ugu weyn uu u xirmo cabsi laga qabo weerar dibadda ah, iyagoo weliba haysta nidaamka ugu casrisan ee difaaca hawada.

Militariga Israel ayaa ayaa Axaddii sheegay in ay ku guuldareysteen in ay ka hortaggaan, isla-markaana ay qabtaan gantaalka lagu soo weeraray gudaha Israel.

Weerarkan ayaa abuuray qalqal dhinaca amniga oo garoonkaasi.