Israel oo si kulul u cambaareysay liiska madow ee lagu daray

Israel ayaa cambaareysay tallaabada ay Qaramada Midoobey ugu dartay liiska madow ee xuquuqda aadanaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Jimcihii Ciidamada Israel ku daray liiska caalamiga ah ee dembiileyaasha gala xadgudubyada ka dhanka ah carruurta.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay in dowladdiisa lagu daray liiskaasi madow, ka hor inta aysan Qaramada Midoobey 14-ka bishan daabicin warbixinteeda sanadlaha ee carruurta iyo goobaha ay dagaaladu ka jiraan.

"Aad ayaan uga naxay oo uga xumaaday go'aankan ceebta ah." Ayuu yiri Safiirka Israel u jooga Qaramada Midoobey.

Safiirka ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Ciidanka Difaaca israel ay yihiin ciidamada ugu anshaxa wanaagsan adduunka.

"Kan galay liiska madow maanta waa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, kaas oo dhiirigeliya argagixisada iyo falalka naceybka ee ka dhanka ah Israel. Ceeb ha ku dhacdo." Ayuu yiri Safiirka.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobey ay iyadu tahay cidda gashay liiska madow, markii ay qaadatay buu yiri sheegashada aan macquul ahayn ee Xamaas.

Netanyahu ayaa qoraal ku sheegay in Ciidamada Israel ay yihiin militariga ugu akhlaaqda badan caalamka, go'aanka Xoghaye Guterres-na aanu waxba u dhimi doonin.

"Qaramada Midoobay waxay maanta gashay liiska madow ee taariikhda, markii ay qaadatay sheegashada aan macquul ahayn ee Xamaas." Ayuu yiri Netanyahu.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa ka digay in go'aankan uu saamayn ku yeelan doono xiriirka markii hore xumaa ee ay la lahaayeen Qaramada Midoobey.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa sababay in xiriirka labada dhinac uu gaaro meeshii ugu hooseysay, iyada oo Madaxda Israel ay si adag uga falceliyaan eedeymaha kaga imanaya Saraakiisha Qaramada Midoobey ee la xiriira waxa ka socda Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay ku dhawaad 200 oo ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey, tiradaas oo noqoneyso tii ugu badneyd ee muddo billo gudahood ah looga dilo Qaramada Midoobey, waana khasaarihii ugu weynaa ee soo mara taariikhda caalamka.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa marar badan ku baaqay in Israel ay joojiso dilka dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha hay'adaha gargaarka, tiiyoo aysan waxba ka qaban.

Israel ayaa sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ku eedeysay in ay tahay hay'ad argagixiso, ka dib markii ay sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka qayb qaateen weerarkii kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee ay October 7-deedii ka gaysteen koonfurta Israel.

Guddi dib-u-eegis oo Qaramada Midoobey ay u xilsaartay howlaha shaqo ee hay’addaasi ayaa ogaaday in UNRWA ay dejisay habab iyo siyaasado lagu hubinayo dhexdhexaadnimada, degdeg ah iyo jawaabo waafi ah oo ku saabsan eedeymaha. Guddigan oo ay hoggaamineysay Catherine Colonna oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Israel ay jeedisay eedeymo aan caddeyn lahayn. Guddiga ayaa UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso. UNRWA waa hay’adda ugu weyn dhanka samafalka ee ka hawlgasha Marinka Gaza.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa mar sii horreysay sheegay in Israel ay ku howlan tahay inay Gaza ka sameyso masiibo aan dabiici ahayn, haddii ay si sharci darro ah u xadideyso gargaarka bani’aadantinimo ee ay aadka ugu baahan yihiin dadka reer Gaza. 

Volker Türk ayaa dhalleeceeyay gacanta adag ee ay Israel u adeegsaneyso shacabka Falastiiniyiinta ee leh dilka, gaajeysiinta iyo burburinta ay ciidamadeeda ku hayaan kaabeyaasha rayidka, falalkaas oo uu ku tilmaamay kuwo noqon kara dembiyo dagaal.

Iyadoo bulshada caalamka oo dhan ay ku dhegan tahay Israel, haddana Tel Aviv uma muuqato mid diyaar u ah in ay hagaajiso habdhaqankeeda.