Israel oo sii waddo beegsiga ay ku hayso dadka reer Gaza

Ciidamada Militariga Israel ayaa sii wada weerarada ay ka gaysanayaan Marinka Gaza ee ay ku leynayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in si indho la'aan ah ay u bartilmaameedsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

Wasaaradda ayaa Talaadadii sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 93 qof, in ka badan 142 kalena ay dhaawaceen.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 7-dii October ay gaartay 31,819 qof, halka dhaawacuna uu ka badan yahay 73,934 qof.

"Dad lagu qiyaasay 8,000 oo qof ayaa la la'yahay, kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku jiraan amaba ay ku dhinteen burburka dhismayaasha." Ayaa lagu yiri bayaanka.

In ka badan toddobaatan boqolkiiba (70%) dhibaneyaasha ayaa ah carruur iyo haween, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta ka hawlgasha Gaza.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan kororka dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka ah.