Israel oo sii waddo weeraradeeda Lubnaan iyo dhimashada shacabka oo korortay

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si xoog badan u garaacaya deegaanada qaar ee dhaca Koonfurta Lubnaan, iyadoo uu sii socdo dagaalka ay ciidamadeeda lugta kula jiraan Ururka Xisbullah.

Xoogaga Xisbullah ayaa Ciidamada Israel kula dagaalamaya dhulka ay dhawaan ka qabsadeen gudaha xuduudda Lubnaan, waxaana xusid mudan in iska caabinta Xisbullah ay keeneyso in Israel ay sii kordhiso duqaymaheeda xagga cirka ee ka dhanka ah dalkaasi.

Ugu yaraan sideed qof oo dad rayid ah, ayna ku jiraan saddex qof oo ajnabi ah ayaa lagu dilay duqaymihii ugu dambeeyay ee Israel ay Axaddan ka gaysatay Koonfurta Lubnaan.

Duqaymo cirka ah oo Israel ka fulisay meel u dhow Magaalada Tyre ayaa waxaa lagu dilay saddex qof, laba Suuriyaan ah iyo mid Masaari ah. Qof kale ayaa lagu dilay isla aagga, ka dib markii diyaarad drone ah ay gantaal ku dhufatay mooto uu la socday.

Sidoo kale weerar ay Israel ku qaadday guri ku yaala deegaanka ay colaaddu saameysay ee Breqa ayaa lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka. Laba qof oo kale ayaa ku dhintay duqayn ka dhacday deegaanka Qalawiya oo ka tirsan magaalada xuduudda u dhow ee Bint Jbeil.

Dhanka kale Wasaaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 2,679 qof oo shacab ah ay ku dhinteen weerarada Israel, 8,229 kalena ay ku dhaawacmeen muddada uu socdo dagaalkan.

Israel ayaa sii xoojineysa weerarada ay ku hayso dalkaasi, tan iyo markii 2-dii bishii March uu dib u qarxay dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo Xisbullah.

Inkasta oo ay jirto xabad joojin uu Mareykanku ka soo shaqeeyay oo soconeysa illaa bartamaha bishan, haddana Madaxda Lubnaan ayaa Israel ku eedeeyay in ay si joogta ah ugu xadgudbeyso heshiiska xabad joojinta ee la dhaqangeliyay 17-kii bishii April.