Israel oo soo saartay amar lagu barakacinayo dadka Gaza, iyadoo ay jirto rajo xabad joojin ah

Israel ayaa Isniintan garaacday goobo ku yaala Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza, ka dib markii ay shacabka ku amartay in ay halkaasi ka barakacaan.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si ba'an u duqeeyay qaybaha Gaza oo dhan, iyada oo culeyska ugu weyn uu ka jiro waqooyiga Magaalada Gaza, ka gadaal markii Militariga Israel uu dadka ku wargeliyay inaysan halkaasi sii joogi karin, taas oo keentay cabsida ah in Israel ay qorsheynayso hawlgal cusub oo dhinaca dhulka ah.

Ciidamada Israel ayaa ugu yaraan maanta oo keliya 85 qof ku dilay Marinka Gaza, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana goobaha la bartilmaameedsaday ka mid ah Isbitaalka Shuhadada ee deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in 30 ka mid ah dadkaasi lagu dilay, xilli ay ku sugnaayeen goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee ay Israel ka sameysay gudaha Gaza.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dadkaasi, iyagoo sugaya inay gargaar helaan.

Ciidamada Israel ayaa si maalinle ah dadka rayidka ah ee gaajeysiin ugu dila xarumaha ay iyagu qaabilsan yihiin inay ammaankooda sugaan. Dunida ayaa si weyn uga hortimid hannaanka gargaar qaybinta ee ay Israel bishii May ka bilowday Gaza, taas oo loo arko mid khatar dhab ah ku ah nolosha dadka rayidka ah.

Israel ayaa lagu cambaareeyay tallaabada ay gargaarka uga wareejisay Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee muddada dheer ka shaqeynayay arrimaha samafalka ee Gaza. Israel ayaa bishii May Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ku wareejisay howlaha gargaar keenista iyo qaybinta ee Gaza, iyadoo taageero kaga haysata Mareykanka, oo ah dalka keliya ee taageeray in hay'addan lagu wareejiyo shaqadii hay'adihii waaweynaa ee bani'aadantinimada ka hayeen Marinka Gaza.

Dhinaca kale barakacinta khasabka ah ee ay Israel ka waddo Magaalada Gaza ayaa lagu sheegay middii ugu weyneyd ee dadka looga rarayo guryahooda, tan iyo 18-kii bishii March, markaas oo Israel ay dib u bilowday duqaymaheeda baahsan ee Gaza, ka dib xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa waxay u muuqataa mid dhegaha ka fureysanayso cadaadiska uu Madaxweyne Donald Trump ku saarayo in si dhakhsa ah loo soo afjaro dagaalka Gaza.

Kororka weerarada Israel ee Gaza ayaa ku soo aadaya, xilli ay dad badani ka rajo qabeen in dhowrka cisho ee soo socda lagu gaari doono heshiis xabad joojineed oo laga sameeyo Marinka Gaza, ka dib markii Trump uu Jimcihii ku dhawaaqay in toddobaadka soo socda gudihiisa lagu gaari doono heshiiska xabad joojinta.