Israel oo taagan meel isgoys ah
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin dagaalka ay ciidamadiisa kaga jiraan Marinka Gaza, illaa iyo inta laga burburinayo Ururka Xamaas.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa iska diiday baaqyada isa soo taraya ee uga imanaya shacabkiisa, ee ku aaddan in la joojiyo dagaalka Gaza, si ay guryahooda dib ugu soo laabtaan Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Israel ay sii maamuli doonto Philadelphi Corridor, isla-markaana aan laga soo saari doonin Ciidamada Israel. Philadelphi Corridor oo ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar ayaa xudun u ah heshiiska nabadda ee Israel iyo Xamaas. Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee taageeraya Israel ayaa Talaadadii ka soo horjeestay in Israel ay muddo dheer sii maamusho goobtaasi.
Shacabka Israel ayaa sii wada dibadbaxyada ka dhanka ah xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Netanyahu, iyagoona ku hanjabay inay mudaaharaadka sii wadi doonnaan, illaama codkooda laga dhageysanayo.
Shacabka ayaa isku dayaya in ay Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag culeys ku saaraan inay ku laabtaan miiska wada hadalka, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa si weyn uga soo horjeeda go'aanka Netanyahu iyo kooxdiisa ee ku saabsan in la sii wado dagaalka.
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa maalin ka hor xukuumadda ku eedeeyay in muddadii uu dagaalku socday aanay wax natiijo ahi ka keenin dagaalka, isagoona ka digay in waqti dambe lagu lumiyo dagaalkan.
Netanyahu ayaa Isniintii ku celiyay in Israel aysan aqbali karin wax aan guul ahayn, waxaana uu kalsooni ka muujiyay in ciidamadiisu ay maalmaha dhow ka adkaan doonaan Xamaas, isla-markaana ay soo furan doonaan dadka looga haysto gudaha Gaza.
Diidmada Netanyahu ayaa carrada ku kordhineysa shacabka Israel, iyadoo dagaalkan uu kala qaybsanaan aan horey loo arag ka abuuray gudaha Israel. Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in dalku uu wajahayo xaalad hubinti la'aan ah, isla-markaana uu taagan yahay meel isgoys ah.
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa tuke cambaar leh ka noqday Shirarka Golaha Wasiirada, ka dib markii uu noqday Wasiirka keliya ee la ogyahay ee u ololeynayo in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza, balse aan laga soo dhaweyn golaha.
Wasiirka iyo Taliska Militariga ayaa ka walaacsan horumar la'aanta dagaalka iyo dhiig baxa ku socdo ciidamadooda. Hawlgalka militari ee ay ciidamadu ka wadaan Marinka Gaza ayaa waxaa caqabad ku noqday weerarada gaadmada ee kaga imanaya kooxaha wax iska caabinta iyo meelaha fogfog ee laga soo tooganayo, taas oo iska caabinta ka dhigtay mid laga adkaan la'yahay.
Tani ayaa is bedel ku keentay mowqifka Israeliyiin badan oo horaan u ololeynaysay in la sii wado dagaalka Gaza, kuwaa oo hadda muujinaya walaac amni, iyadoona shacabku ay baqdin badan ku hayso weerarka aargudasho ee ay Iran ku hanjabtay iyo weerarada joogtada ah ee uga imanaya ururada hubeysan ee gobolka ka jira, sida Xisbullah iyo Xuuthiyiinta.
Xuuthiyiinta iyo Xisbullah ayaa caqabad soo taagan ku noqday amnigii iyo dhaqaalihii Israel. Xisbullah ayaa weeraro joogta ahi ku hayso waqooyiga Israel, halka Xuuthiyiintana ay sii wadaan weeraradooda ay ku go'doominayaan Dekedaha Israel ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Khubarada Israel ayaa ku doodeysa inaysan wax dan ahi dalka ugu jirin, sii socoshada dagaalka lagu hoobtay ee weli ka soconaya Marinka Gaza.
Jananka hawlgabka ka noqday Ciidamada Israel ee lagu magacaabo General General Yitzhak Brik ayaa sheegay in cidda burbureyso aysan ahayn Xamaas, balse ay tahay Israel, sida uu yiri.
Jananka ayaa maqaal uu Talaadadii qoray ku sheegay in uu aaminsan yahay in sii socoshada xasuuqa Gaza uu horseedi doono burburka Israel. Israel ayaa muddadii uu dagaalkan socday dishay 40,861 qof, iyadoona 94,398 kalena ku dhaawacday Marinka Gaza.
"Xasuuqa ka socda Gaza wuxuu horseedi doonnaa burburka Israel." Ayuu yiri General General Yitzhak Brik oo ku taliyay in la joojiyo dagaalka, ciidamadana laga soo saaro Marinka Gaza.
Waxa uu sheegay in 11-ka bilood ee uu socday ololaha militari Israel ee Gaza ay ciidamadu noqdeen kuwo sii daciifaya, si ka duwan taasina ay Xamaas xoogeysanayso.
"Haddii Israel ay u sii waddo dagaalka Gaza, sida uu u socdo, bartilaameedyadana ay sidooda sii ahaadaan, ma ahan in aynu Xamaas duminayno, balse nafteenna ayaan duminaynaa." Ayuu yiri General General Yitzhak Brik.
Jananka ayaa intaasi ku daray in askarta kaydka ee hadda fasaxa ku maqan aysan ogoleyn inay dib ugu laabtaan Gaza, kuwa ka dagaalamayana ay daalan yihiin, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in arrinta ciidamada hoos loo eego, lana siiyo waqtiga nasiinada ay u baahan yihiin, iyadoo la joojinayo dagaalka.
Warbaahinta Israel ayaa shalay tebisay in Xamaas ay dib u dhistay awoodeeda waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii ay qoratay 3,000 oo dagaal-yahano cusub ah.
General Yitzhak Brik ayaa walaac ka muujiyay go'aanka Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ee diidan in ay qaataan heshiiska nabadda ee Mareykanka uu taageerayo.
Mareykanka ayaa isku dayaya in la dejiyo xiisadda Bariga Dhexe, si looga hortago isku dhac ballaaran oo gobolka ah, waana xilli colaadda Gaza ay si toos ah u saameynayso doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta bisha November ka dhaceysa dalkaasi.