Israel oo weerar dunida ka yaabiyay ku qaadday dalka Qatar

Dunida ayaa aad ula yaabtay, markii uu soo baxay warka sheegaya in Israel ay duqayn ka gaysatay Magaalada Doha, iyadoo welibana bartilmaameedsaneysa goob uu shir uga socday Saraakiisha Siyaasadda Xamaas.

Israel ayaa beegsatay Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha, xilli la sheegay inay miisaamayeen hindisihii ugu dambeeyay xabad joojinta Gaza ee Madaxweyne Donald Trump uu soo jeediyay Axaddii.

Israel oo sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa sheegtay in ay weerartay Hoggaamiyeyaasha Xamaas, waana xilli Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir uu toddobaadkii hore ku hanjabay inay hadaf ka dhiganayaan Madaxda Xamaas ee dibadda.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in masuuliyiintooda ay ka badbaadeen weerarkaasi, laakiin ay ku dhinteen shan xubnood oo hoose.

Dowladda Qatar oo si adag u cambaareysay falkaasi ayaa sheegtay in weerarka fuleynimada ah Israel ee lagu qaaday goob la degan yahay ay sidoo kale ku dishay sarkaal laamaha amniga ka tirsan, kuwo kalena ay ku dhaawacday.

Weerarka xagga cirka ee lagu qaaday dalka xulafada la ah Mareykanka ee Qatar ayaa astaan u ah koror cusub oo xiisad ah, waxayna cawaaqib ku yeelan kartaa wada hadalada soo socda ee looga dan lahaa in lagu joojiyo dagaalka lagu hoobtay ee Gaza, sii deynta maxaabiista Israel iyo dejinta xiisadda Gobolka Bariga Dhexe.

Weerarka waxa uu xadgudub qaawan ku yahay madaxbannaanida dhuleed & qaranimada dalka Qatar, wuxuuna jebinayaa tiirarka aasaasiga ah ee xeerarka caalamiga ah.

Cambaareynta caalamiga ah ayaa isa soo tareysa, iyadoo dhinaca kalena ay Warbaahintu si weyn uga warameyso weerarkan lala anfariiray.

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa kale ee caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka. Hoggaamiyeyaasha ayaa Israel ku eedeynaya in ay colaad hor leh ku riixeyso gobolka.

Raysal Wasaaraha Canada, Mark Carney ayaa weerarka Israel ee Qatar ku tilmaamay mid lagu ballaarinayo colaadda Bariga Dhexe.

Senator-ka Mareykanka ee lagu magacaabo Mark Warner ayaa sheegay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu aanu rabin in xal laga gaaro dagaalka ka sii socda Marinka Gaza.

Mark Warner ayaa sheegay in weerarku uu muujinayo inaysan Israel wax rabitaan ahi u haynin nooc kasta oo heshiis xabad joojin ah, marba haddii ay ku dhiiratay inay weerarto dal si daacad ah uga shaqeynayay wada-xaajoodyada dhinacyada iyo in dagaalkan la soo afjaro.

Dalka yar ee Qatar ayaa muhiim u ah wada hadalada Israel iyo Xamaas, waana dalka soo haray ee la qorsheynayay in wada hadalada soo socda lagu qabto.

Qatar iyo Masar ayaa muddo dheer martigelinayay kulamada, isla-markaana dhexdhexaadinayay labada garab, ha yeeshee cilaaqaadka Masar iyo Israel ayaa aad u sii xumeynayay toddobaadyadii la soo dhaafay.