Itoobiya oo sheegtay inay fashilisay weerar ay Shabaab ku qaadeen xero ku taala xadka

Dowladda Itoobiya ayaa war ka soo saartay weerar ay sheegtay in maleeshiyada Al Shabaab ay Arbacadii ku qaadeen xero ciidan oo ku taala Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidanka Difaaca Itoobiya ay ka hortaggeen weerarkaasi, ka hor hor inta aan lala beegsan bartilmaameedkii saxda ahaa.

"Ciidanka Difaaca Itoobiya waxay ka takhaluseen ismiidaamiyeyaashii, waxayna burburiyeen hub ay adeegsan laheyd kooxda argagixisada." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warka ayaa lagu muujiyay inaanu weerarku gaysan wax khasaare ah, marka laga soo taggo in la dilay raggii maleeshiyada Shabaabka ka tirsanaa ee damacsanaa in ay xeradaasi isku qarxiyaan.

Dadka degan Degmada Doolow ayaa sheegay in barqanimadii Arbacada ay maqleen laba qarax oo waaweyn.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegtay in qaraxyadaasi ay fuliyeen laba nin oo kaxeynayay gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Gedo, Aadan Sahal Abuu Turaab ayaa xalay sheegay in weerarkaasi lala eegtay xero ay 5-tii bilood ee ugu dambeysay isku uruursanayeen Ciidamada Itoobiya, sida uu yiri.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in weerarku uu u dhacay sidii loogu talagalay, balse ma sheegin khasaare ay ogyihiin oo weerarkaasi gaystay, waxaase uu sheegay in xerada ay ku sugnaayeen qiyaastii saddex kun oo askari.

Abuu Turaab oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa Ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay qorsheynayeen duulaan ka dhan ah dhulka ay Al Shabaab maamusho.

Ciidamo ka socdo dowladaha deriska ayaa la filayaa in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ay Dowladda Federaalka qorsheysay in lagu qabto deegaanada ay gacanta ku hayso Al Shabaab.