Jake Sullivan oo Daanta Galbeed kula kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta

Jake Sullivan, La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka oo gelinkii dambe ee Jimcihii booqday Daanta Galbeed ee la haysto ayaa la kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta.
Madaxweyne Mahmoud Abbas ayaa La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka ku qaabilay Xafiiskiisa Magaalada Ramallah.
Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay colaadda Marinka Gaza, gargaarka sida weyn loogu baahan yahay iyo rabshadaha ay Israel ka waddo Daanta Galbeed.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa ku celiyay, sida ay lagama maarmaanka u tahay in la furo waddooyinka Marinka Gaza, lana ogolaado in dadka rayidka ahi la gaarsiiyo gargaar ku filan. Waxa uu sheegay in dadka reer Gaza ay si degdeg ahi ugu baahan yihiin cunto, sahayda dawada iyo biyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Gaza ay ka mid tahay dhulka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo lagu go'doominayana ay tahay wax aan la aqbali karin, sida uu yiri.
Waxa uu sidoo kale ku booriyay Mareykanka in uu soo fara-geliyo, kuna cadaadiyo Israel in ay joojiso rabshadaha ay ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto.
Madaxweyne Abbas ayaa Mareykanka ugu baaqay in uu ka shaqeeyo xalka keliya ee dhinacyada, oo ah in la helo laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool, isla-markaana ay diyaar u yihiin in ay qaataan qaab dhismeedka xal siyaasadeed, oo Dowladda Falastiiniyiinta looga dhisayo Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza.
Kulankan ayaa daba socdo kulan kale oo Sullivan uu Madaxda Israel kula yeeshay Magaalada Tel Aviv, oo Khamiistii uu gaaray.
Sullivan ayaa Jimcihii Tel Aviv ka sheegay in Mareykanka uu Israel ku riixayo in ay si sax ah diiradda u saarto dagaalka, ayna bartilmaameedsato Hoggaamiyeyaasha Xamaas, halkii ay sii wadi lahayd duqaymaha baahsan iyo hawlgalka dhulka, isagoona xusay in Israel ay guda geli doonto wejiga labaad ee dagaalka, balse ma sheegin xilliga uu is bedelku dhici doono.


