Jordan oo si adag u cambaareysay fal ay Israel ka gaysatay Gaza

Dowladda Jordan ayaa maanta si kulul u cambaareysay weerar xagga cirka ah oo Israel ay gelinkii dambe ee Sabtidii u gaysatay dugsi ay maamusho Qaramada Midoobey, kuna yaala Marinka Gaza.

Dugsigan oo ku dhex yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza ayaa waxaa gacanta ku haysa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

Dugsiga ayaa gabaad u ahaa qoysaska barakacayaal ah, waxaana inta la xaqiijiyay duqayntaasi ku geeriyootay 16 qof, halka 75 kalena ay ku dhaawacantay.

Dowladda Jordan ayaa weerarkan ku tilmaamtay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, mabaadii’da bani'aadantinimada iyo qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha.

"Wuxuu kaloo caqabad toos ah ku yahay baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka iyo ilaalinta nolosha rayidka." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan.

Bayaanka ayaa lagu yiri "Weerarada soo noqnoqday ee lagu hayo xarumaha bani'aadantinimada iyo goobaha la rabay in lagu ilaaliyo sharciga caalamiga ah, waxay ka dhigan yihiin jebin qaawan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo xeerarka kale ee caalamiga ah."

Wasaaraddu ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo go'aan leh, si loo joojiyo xadgudubyada joogtada ah ee Israel, loona xaqiijiyo ilaalinta caalamiga ah ee shacabka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale Hay'adda UNRWA ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo weerarkan, si Israel loogu ciqaabo dembiyadeeda xargaha goostay.

Madaxa Hay'adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa beeniyay sheegashada Israel, ee ah in kooxo hubeysani ay gabaad ka dhiganayeen iskuulkaasi.

"Waa sababta aan marar badan ugu baaqay baaritaano madaxbannaan in la sameeyo, si loo hubiyo xaqiiqada iyo in la ogaado kuwa masuulka ka ah weerarada Xarumaha Qaramada Midoobey." Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Israel ayaa iska dhega tireysa cambaareynta caalamiga ah ee ka dhalatay dembiyada ay ka gaysaneyso dhulka go'doonsan.

Dunida ayaa dagaalkan ku tilmaamtay mid ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo Israel loo haysto in ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, waxayna dacwad la xiriirta kaga furan tahay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ.

Tel Aviv ayaa diidan in ay wax xadgudub ah ka gaysatay Gaza, iyadoona ku andacooneysa inaysan jebin shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.