Khalil Al Hayya oo sheegay inaysan Xamaas caqabad ku ahayn heshiiska xabad joojinta

Khalil Al Hayya, Madaxa Wada-xaajoodka Xamaas ayaa sheegay in ururka reer Falastiin aanu wax caqabad ahayn ku ahayn heshiiska xabad joojinta Gaza ee ku aaddan wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza.
Madaxa Wada-xaajoodka Xamaas ayaa sheegay in ururku uu niyad u hayo in dhinacooda ay fuliyaan ballanqaadkoodii ahaa inay ilaalin doonaan heshiiska ay la saxiixdeen Israel iyo shuruudaha xabad joojintaba.
"Annagu waxaan go'aansanay inaan heshiiska dhammaantiisaba fulino." Ayuu yiri Khalil Al Hayya, oo ah wejiga diblomaasiydda ee Xamaas.
Sarkaalkan oo wareysi siiyay Shabakadda Cairo News ayaa sheegay in iyagoo la dhacsan doorka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar, Qatar iyo Turkiga ay ka Xamaas ahaan doonayaan in heshiisku uu sii shaqeeyo.
Waxa uu sheegay in Xamaas ay sii deysay dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee nool, iyadoo la fulinayo qodobada heshiiska, haddana ay diyaar u yihiin inay wareejiyaan meydadka ama lafaha ee maxaabiistii dhimatay, isla-markaana harsan.
Waxa kaloo uu sheegay in aysan wax ujeeddo ahi ka lahayn inay u sii haystaan lafaha dadkaasi, marka ugu dhow ee u suurtagashana ay wareejin doonaan.
"Waxaan si dhab ah ugu dadaalaynaa inaan soo saarno oo aan dhiibno dhammaan meydadka, sida uu heshiisku dhigayo. Annagu ma lihin rabitaan ama dano gaar ah oo aan ku sii haysano meydadkaas." Ayuu yiri Khalil Al Hayya.
Xamaas ayaa marar badan sheegtay in lafaha maxaabiista ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, isla-markaana aysan haysan qalabkii ay lafaha dadkaasi uga soo saari lahaayeen dhismayaashii ay Israel burburisay.
Khalil Al Hayya ayaa wareysigii uu maanta bixiyay ku sheegay in ay dhibaato weyn ka haysato in la soo saaro lafaha dadkaasi, isla-markaana ay Israel diidan tahay in qalabka nadiifinta burburka la soo geliyo Marinka Gaza.
Al Hayya ayaa tilmaamay in marka la eego burburka baaxadda leh ee ka jira Gaza oo dhan ay taasi adkeysay in si fudud lagu gaaro gunta hoose ee meelaha ay tuhunsan yihiin inay lafaha dadkaasi ku hoos jiraan.
Al Hayya ayaa intaasi ku daray "Soo saaristoodu waxay u baahan tahay waqti iyo mashiino culus, laakiin iyadoo la adeegsanayo go'aan iyo adkeysi, Ilaahay idiinkiis waxaan dhameystiri doonnaa shaqadan."
Al Hayya ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee gobolka ku booriyay inay hubiyaan dhaqangelinta qodobada ka dhiman heshiiska ee dhinaca Israel, sida in la qaado xayiraadaha gargaarka iyo sahayda qalabka dhismayaasha ee horey loogu heshiiyay in la geeyo Marinka Gaza.
Israel ayaa Arbacadii xirtay Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza ee uu ka soo gudbayo garagarka bani'aadantinimo iyo agabyada kale ee la gaynayo Gaza, iyadoo ku andacooneysa in Xamaas aysan soo wareejin dhammaan lafaha dadka Israeliyiinta ah.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku celceliyay in Isgoyska Rafah uu sii xirnaan doono, inta ay Xamaas ka soo wareejineyso lafaha harsan.