Khasaaraha nafeed ee Falastiiniyiinta iyo Israel oo sii kordhaya

Waxaa si weyn isu soo taraya khasaaraha dhimashada iyo dhaawacba leh ee laga diiwaangelinayo deegaanada Falastiiniyiinta iyo Maamulka Israel, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Xoogaga Xamaas weerar si weyn loo soo qorsheeyay ay Sabtidii ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee Falastiiniyiinta ay hadda gaartay 921 qof, halka tirada dhaawacana ay ku sheegtay 4,630 qof.

Taliska Militariga Israel ayaa shaaciyay in tirada dhimashada ay Israeliyiinta ay gaartay 1,200 oo qof, dhaawacuna uu ka badan 2,700 oo qof.

Hase yeeshee Safaaradda Israel ee Mareykanka ayaa barteeda X (Twitter) ku sheegtay in tirada dhimashada ee dadka reer Israel ay tahay 998 qof iyo dhaawaca 3,418 kale.

Khasaaraha dhimashada ee dhinacyada ayaa laga baqdin qabaa in ay aad uga korodho tirada hadda la ogyahay, maadaama ay jiraan dhaawacyada boqolaal qof oo xaaladdoodu ay aad u liidato.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in ugu yaraan 123 askari oo Israeli ah la dilay, tan iyo markii uu weerarku dhacay.

Taliska ayaa bidhaamiyay in ay la xiriireen qoysaska 50 askari oo qafaal ahaan ay u haystaan Xoogaga Xamaas.

Taliska ayaa sheegaya in ciidamadooda ay dib u xaqiijiyeen amniga magaalooyinka iyo deegaanada ku dhow dhow Gaza. 

Rabshadahan ayaa noqonaya kuwoodii ugu dhiig daadashada badnaa ee dhex mara labada dhinac, muddo tobanaan sano ah.