Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horreysay ka hadashay askariga Mareykanka ay gacanta ku dhigtay

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay inay gacanta ku hayaan askariga u dhashay dalka Mareykanka ee bishii hore ka soo tallaabay xadka ay la leedahay Kuuriyada Koonfureed.
Pyongyang ayaa Qaramada Midoobey u sheegtay in laamaheeda amniga ay gacanta ku hayaan Travis King.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee maamula aagga militariga ka caagan ee u dhaxeeya labada Kuuriya ayaa sheegay in maamulka dalkaasi uu ka soo jawaabay codsigii ay u direen.
Saraakiisha ayaa tani ku sheegay farriintii ugu horreysay oo ka timid Pyongyang, ka dib marar badan oo ay codsiyo u direen. Askarigan ayaa 18-kii bishii July u gacan galay ciidamada dalkaasi.
Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa inaanay doonayn in ay farageliso dadaalada uu Mareykanku ku doonayo in askarigaasi dib loogu soo celiyo dalkiisa.
Travis King oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Koonfurta Kuuriya ayaa ka gudbay xadka sida adag loo ilaaliyo ee labada Kuuriya.
Askarigan oo socod ku marayay aagga Qaramada Midoobey maamusho ee loo garan ogyahay goobta militariga ka caagan ayaa la sheegay in si dhiiranaan leh uu ugu tallaabay dhinaca Kuuriyada Waqooyi, tani oo jahwareer ka abuurtay Gacanka Kuuriya iyo gudaha dalka Mareykanka, iyadoona ay dad badani is weydiinayaan sababta uu ficilkaasi ugu kacay, isaga oo welibana si wanaagsan u garanaya soodinta xasaasiga ah ee kala xadeysa labada Kuuriya.
Ka hor inta uusan ka gudbin xadka, ninkan ayaa xabsi laba bilood ah ku qaatay dalka Kuuriyada Koonfureed, sababo la xiriira weerar, iyadoona xabsiga laga sii daayay 10-kii July.
King oo lagu waday in uu dib ugu laabto dalka Mareykanka, si uu u wajaho dacwad edbin ah ayaa taasi bedelkeeda ku kacay ficilkan uu sida la yaabka leh ugu galay gudaha Kuuriyada Waqooyi.
King waa askari dhanka sahanka ah, waxa uuna Ciidamada Mareykanka ka tirsanaa, tan iyo bishii January ee sanadkii 2021.


