Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalada nooca ballaastikada

Kuuriyada Waqooyi ayaa saaka tijaabisay laba gantaal oo nooca ballaastikada ah, iyadoo ka jawaabeysa dhoolatuska ay sida wadajirka ah u sameeyeen Ciidamada Kuuriyada Koonfureed, Japan iyo Mareykanka.

Pyongyang ayaa ku hanjabtay in ay si adag uga falcelin doonto dhoolatuska cusub ee Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka.

Taliska Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay xeebaheeda bari ka ridday gantaalada nooca ridada dhexe.

Taliska ayaa sheegay in labada gantaal laga tuuray deegaanka Jangyon ee xeebaha koonfur bari ee Kuuriyada Waqooyi, balse gantaalka labaad masaafada uu jaray uu aad uga gaabnaa kii hore.

Taliska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gantaalka koowaad uu ku duulay 600km, halka kan labaadna uu ku duulay 120km, inkastoo aysan sheegin halka uu ku dhacay.

Afhayeenka Ciidamada Koonfurta Kuuriya, Lee Sung Joon ayaa mar dambe sheegay in haddii gantaalka labaad uu qarxi lahaa uu soo gaari lahaa dhulka, balse aan illaa iyo hadda la soo sheegin wax khasaare ah.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa ilo ka tirsan militariga dalkaasi ka soo xigatay in gantaalka labaad ay u badan tahay inuu ku dhacay dhul gudaha ah oo ku yaala Waqooyiga Kuuriya.

Warbaahinta waxa kaloo ay sheegtay in gantaalkii ugu horreyay uu ku dhacay biyaha waqooyi bari ee Magaalada Chongjin. Chongjin waa magaalada 3aad ee ugu weyn Kuuriyada Waqooyi.

Seoul ayaa cambaareysay tallaabadan, iyadoo ku tilmaamtay daandaansi khatar weyn ku ah nabadda Gacanka Kuuriya. Seoul waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay iska caabiso daandaansi kasta oo kaga yimaada Pyongyang.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa Axaddii cambaareysay dhoolatuska wadajirka ah ee saddexda dal, iyadoo xustay in dhoolatuskaasi uu burburiyay jewiga ammaanka ee Gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la soo baxda gantaalada ay ugu talagashay in la tijaabiyo, marka dalalka xulafada ay sameynayaan carbisyada wadajirka ah iyo weliba marka ay xiisad ka jirto gacanka.