Laamaha amniga oo sheegay in la uruurinayo hubkii ay wateen ciidamada Shariif Sheekh Axmed

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka sheegay in ciidamada amniga ay wadaan hawlgal lagu uruurinayo hubkii ay wateen ciidamadii taabacsanaa Shariif Sheekh Axmed ee ka dagaalamay xaafadda Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis.
Taliska ayaa sheegay in hubkaasi lagu qariyay goobo kala duwan, waxaana dadka ku dhaqan Degmada Cabdicasiis laga dalbaday inay la shaqeeyaan hay'adaha ammaanka.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin inuu gurigiisa ku kaydiyo hub sharci darro ah, oo lagu waxyeeleynayo amniga caasimadda iyo midka guud ee dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-
Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira hawlgal lagu uruurinayo hubkii sharci darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qariyay goobo kala duwan.
Haddaba, dadweynaha Soomaaliyeed ee degan Degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda qaran, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.
Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku kaydiyo ama ku qariyo hub sharci darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga Magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka.
Hay’adaha ammaanku waxa ay ka qaadayaan tallaabo adag oo sharcigu ogolaanayo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci darro ah.
Muwaadin haddii aad aragto goob lagu qarinayo hub sharci darro ah fadlan gaarsii hay’adaha amniga, adiga oo wacaya 991 ama 199.


