Laba ka mid ah Shaqaalaha Mareykanka oo lagu dhaawacay Gaza

Laba ka mid ah Shaqaalaha Mareykanka ee ka tirsan Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ayaa Sabtidii lagu dhaawacay koonfurta Marinka Gaza, ka dib weerar la sheegay inuu ka dhacay goob raashiinka lagu qaybiyo.
Hay'adda GHF ayaa waxay xalay sheegtay in weerarka ay gaysteen Xoogaga Ururka Xamaas, balse ma soo bandhigin caddeymo lagu qanci karo oo arrintaasi ku saabsan.
Hay'adda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka loo adeegsaday bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, oo sida ay sheegtay lagu tuuray goobta raashiinka lagu qaybiyo ee ay dhawaan ka hirgelisay deegaanka Khan Yunis.
Hay'addan ayaa soo bandhigtay sawirrada jajabka walxaha qarxa, waxayna sheegtay iyada oo aan wax caddeyn ah loo haynin in weerarka ay gaysteen Xoogaga Xamaas.
Warbixinta hay'adda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dhaawacmay aysan xaaladdoodu halis ahayn, isla-markaana ay heleen daryeel caafimaad.
Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa Sabtidii 10 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay koonfurta Marinka Gaza, xilli ay sugayeen in gargaar la siiyo.
Sideed ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay afaafka hore ee xarunta gargaarka lagu qaybiyo ee ay Israel daba-yaaqadii bishii May ka furtay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, waana goobta ugu badan ee lagu dilo dadka gargaarka u raadsada xarumaha ay ilaaliyaan Ciidamada Israel.
Wax yar ka dib dhacdadaasi, Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay Falastiini kale oo ku sugnaa nawaaxiga goobta ay GHF raashiinka ku qaybiso ee Rafah.
Qof kale oo Falastiini ahaa ayaa sidoo kale lagu dilay aagga goobta raashiinka lagu bixiyo ee ku taala bariga Khan Yunis, sida uu xaqiijiyay Maamulka Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis.
Hay'adda GHF waxay si adag u beenisay in wax toogasho ahi ay Sabtidii ka dhacday xarumaha ay ku leedahay gudaha Gaza, waana caado ay dabeecad ka dhigatay hay'addu in ay si adag u beeniso dadka rayidka ah ee gaajeysan ee lagu dilo goobaha ay gacanta ku hayso.
Qaramada Midoobey ayaa xaqiijisay in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Marinka Gaza, iyaga oo doonaya in raashiin la siiyo, laga soo bilaabo daba-yaaqadii bishii May, markaas oo hay'addan ay la wareegtay howlaha gargaarka ee Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa iyana sheegtay in ugu yaraan 743 Falastiiniyiin ah la dilay, in ka badan 4,891 kalena la dhaawacay, tan iyo markii Israel ay GHF ku wareejisay keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza.
Madaxa Hay’adda GHF, Johnnie Moore ayaa sheegay in uu jiro olole xoog leh oo lagu diidan yahay dadaaladooda gargaar bixinta ee Gaza, sida uu yiri.
Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay gargaarka u adeegsaneyso sida hub oo kale.
Hay'addan ayaan helin taageero caalami ah, marka laga soo tago Mareykanka oo taageeray. Caalamka ayaa ka horyimid hay'addan oo loo arko mid aan sharci ahayn.