Madaxa NATO oo sheegay in furitaanka Hormuz ay noqon doonto tallaabo weyn

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte ayaa amaanay heshiiska Mareykanka iyo Iran ee lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe, isagoo dhinaca kalena sheegay in qorshaha dib-u-furista marin biyoodka Hormuz uu noqon doono tallaabo weyn oo hore loo qaaday.
"Dib-u-soo celinta Marinka Hormuz oo xor ah ayaa waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo hore loo qaaday." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NATO.
Xoghayaha oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Brussels ayaa sheegay in Dowladaha Faransiiska iyo Ingiriiska ay diyaar u yihiin inay hoggaamiyaan dadaalada ay tahay in miinooyinka looga saaro marinkaasi.
"Waxaan ogahay in xulafooyin badan, iyada oo loo marayo hindisaha ay hoggaaminayaan Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska ay diyaar u yihiin inay taageeraan." Ayuu yiri Mark Rutte.
Ciidamada Iran ayaa xanibay isu socodka marinka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Hormuz, iyaga oo ka jawaabaya duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi.
Heshiiska ay Mareykanka iyo Iran gaareen Isniintii ee lagu wado in Jimcaha la saxiixo ayaa la rajeynayaa in uu wax ka taro ciriiriga ka jira Hormuz.
Madaxweyne Donald Trump ayaa goor sii horreysay sheegay in heshiiska uu suurtagelinayo in la soo celiyo xorriyaddii socdaalka maraakiibta ee marinkaasi.
Marinka Hormuz ayaa ah isha ugu weyn ee gobolka iyo caalamkaba ay adeegsadaan maraakiibta shixnadaha saliidda, kaas oo uu ka gudbo shan meelood oo meel (20%) ee sahayda tamarta adduunka.


