Madaxweynaha Galmudug oo booqday ciidan lagu soo bandhigay Guriceel
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa booqday ciidan lagu diyaariyay Magaalada Guriceel.
Ciidamadan ayaa loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan hawlgalka militari ee Gobolada Dhexe, ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay ka maamulaan Galmudug.
Ciidamadan ayaa ka tirsan Guutada Abuu Dujaana ee Xoogga Dalka, waxaana la sheegay in ay ka soo laabteen fasax ay muddooyinkii ugu dambeysay ku maqnaayeen.
Guutada Abuu Dujaana oo lagu diyaariyay Xerada Militariga ee Harqaboobe ayaa lagu wadaa in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug oo galabta ciidamada kula hadlayay xeradaasi oo ku taala duleedka Guriceel ayaa ugu baaqay in ay dalka ka xoreeyaan maleeshiyadaasi.
Madaxweynaha oo si ku-meel-gaar ah ula wareegay doorka hoggaamineed ee hawlgalka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ku daydaan ciidamadii ka horreyay ee soo samatabixiyay dalka.
"Dalkan marxalado kala duwan ayuu soo maray, maalinba waxaa ka soo bootiyay oo soo dhaafiyay geesiyaal idinka oo kale ah, maanta idinka ayaa jooga, booskii waddankan dhiigga loogu soo waraabiyay gobanimada iyo xorriyadda aan haysano maanta ciidankayaga jooga waa dhallinyaradan sharafta badan ee u soo tababartay, u soo dhaartay, u soo diyaargarowday ayaa joogto booskii." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa yiri "Cadow Soomaali soo mara kii ugu xumaana maantuu na hayaa, iyagoo wixii ugu qaalisanaa ee aan haysanay ka been sheegaya oo ku soo gambanaya, oo maxay tahay? Diinteenna Islaamka ayay ku soo gambanayaan, oo ay ka been sheegayaan, dagaalka aan kula jirnana dagaal ka xaqsan ma jiro, waad ogtihiin waa Khawaarij."
Waxa uu intaasi ku daray "Maantay Ilaahay fadligiis waa loo soo jeestay, muddo ayay been isu sheegeen. Ciidamadeenna sharfan ee qaybahooda kala duwan ee labada heer dowladeed iyo shacabkii, intaba maanta waxaan ognahay inay hubkooda soo qaateen, shacabkiiyaa dagaalamaya, meel fiican baana la soo gaarsiiyay, geba-gabaa inoo dhiman."
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u ambabaxay dalka Eritrea ayaa Madaxweyne Qoorqoor u xil saaray dardargelinta iyo hagidda dagaalka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.














