Madaxweynaha Hirshabelle oo kormeeray xaafadaha Beledweyne ee webiga ku fatahay
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray xaafadaha Magaalada Beledweyne ee uu ku fatahay Webiga Shabelle.
Biyo guurto lagu sheegay oo ka soo rogmaday dhanka dalka Itoobiya ayaa sababay in uu qarka jabsado webiga, oo dhowr goobood kaga fatahay xaafadaha magaalada.
Fatahaadaha ayaa qoysas fara-badan ku khasbay in ay ka barakacaan labada daamood ee magaalada, oo uu webigu kala qaybiyo.
Madaxweynaha oo u kuurgelayay saameynta ka dhalatay daadadka ku soo rogmaday magaalada ayaa socod ku soo maray Buundada Nuur Xawaad iyo xaafadaha sida weyn looga barakacayo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday deegaanka Ceeljaalle, oo ay gaarayaan dadka ka barakacaya xaafadaha magaalada.
Cali Cabdullaahi Xuseen, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in ay Magaalada Beledweyne ka jirto xaaladdii ugu darneyd, isagoona ka dhawaajiyay in inta badan magaalada laga barakacay, isla-markaana ay jiraan dad weli ku go'doonsan xaafadaha magaalada.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka, Dowladda Soomaaliyeed iyo hay'adaha caalamiga ah in ay si degdeg ah ugu soo gurmadaan dadka reer Beledweyne, haddii ay ku habsatay sida uu sheegay masiibo ka dhalatay fatahaadaha Webiga Shabelle.
Webiga Shabelle oo mara bartamaha Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa bari iyo galbeed u kala qaybiya magaalada.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo xubno ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.



















