Madaxweynaha Mareykanka oo digniin u diray Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Venezuela

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa digniin hawada u mariyay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Militariga Venezuela, ka gadaal markii Ciidamada Mareykanka ay Sabtidii dalkaasi ka soo xireen Madaxweyne Nicolás Maduro iyo Marwada Koowaad Cilia Flores.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhinacyadan uga digay in cid kasta oo ka hortimaada Mareykanka ay ku dhici karto, wixii ku dhacay Madaxweyne Maduro.
"Hawlgalka aan Venezuela ka fulinay waa in uu digniin u noqdaa cid kasta oo khatar ku ah madaxbannaanida Mareykanka ama halis gelineysa muwaadiniintayada." Ayuu yiri Trump oo hadalkiisa ku xoojiyay "Dhammaan Siyaasiyiinta iyo Militariga waa inay fahmaan in waxa ku dhacay Maduro ay ku dhici karaan iyaga, weyna ku dhici doontaa."
Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu maamuli doono dalkaasi, illaa iyo inta ay uga soo dhisayaan dowlad si nabdoon ula wareegta xukunka dalkaasi.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu aad ugu lug yeelan doono kaabeyaasha tamarta Venezuela, si shirkadaha saliidda ee Mareykanka ay u hagaajiyaan dhaqaalaha burburay ee dalkaasi.
Trump ayaa Sabtidii sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Venezuela, haweeneyda lagu magacaabo Delcy Rodríguez loo dhaariyay xilka Madaxweynaha, ka dib soo qabashadii Maduro.
Mar ay Wariyeyaasha weydiiyeen in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo haweeneydaasi, waxa uu Trump ku jawaabay in ay tahay qof uu Maduro doortay.
Trump ayaa intaasi ku daray in Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Marco Rubio uu haweeneydaasi u gudbiyay rabitaan ah in la sameeyo buu yiri waxa aan u maleynayno inay lagama maarmaan tahay, si Venezuela mar kale u noqoto mid weyn.
Trump ayaa mar dambe sheegay in Wasiir Rubio uu wada hadal dheer la yeeshay haweeneydaasi, isla-markaana ay ogolaatay in ay wada shaqeeyaan.


