Madaxweynaha Mareykanka oo markii ugu horreysay ka hadlay dilka Ismail Haniyeh

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa walaac ka muujiyay dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa Arbacadii si lama filaan ahayd loogu dilay Caasimadda Tehran, iyadoona ay illaa iyo hadda warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka uu dilkiisu u dhacay. Warbaahinta ayaa goor sii horreysay warisay in lagu dilay gantaal aan la aqoon goobta laga soo tuuray oo ku dhacay gurigii uu ka deganaa Tehran.

Hoggaamiyahan ayaa muhiim u ahaa dadaalada dhexdhexaadinta ee xalka loogu raadinayo colaadda Marinka Gaza, waxayna dhimashadiisa carqaladeyn kartaa hindisaha Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Madaxweyne Biden ayaa qiray in dilka Hoggaamiyaha Xamaas uu caqabad ku yahay xabad joojin suurtagal ah oo ka dhacda Marinka Gaza.

"Dilkiisa ayaan caawineyn wada hadalada." Ayuu yiri Madaxweynaha oo xalay Wariyeyaasha kula hadlayay Saldhigga Ciidanka Cirka Andrews ee Gobolka Maryland, ka dib markii wax laga weydiiyay in dilkiisa uu dhibaato ku yahay heshiiska la naawilayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Khamiistii teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uuna u sheegay in ay wada hadal u dhaqaaqaan.

"Xabad joojinta ayaa saldhig u ah in laga gudbo xaaladda ka jirta Bariga Dhexe. Waa inuu ku dhaqaaqaa, waana inay hadda ku dhaqaaqaan." Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Haniyeh ayaa ka mid ahaa marti sharaftii Talaadadii ka qaybgashay munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha cusub ee dalka Iran, Masoud Pezeshkian.

Madaxweyne Pezeshkian iyo Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku maray in ay ka aargudan doonaan Israel.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa muujiyay, sida uu uga walaacsan yahay xiisadda aadka u sii kordheysa ee ka jirta Bariga Dhexe.

Madaxweyne Biden ayaa Raysal Wasaare Netanyahu iyo Ururka Xamaas ku adkeeyay in ay u dhaqaaqaan wada hadalada, si loo gaaro heshiiska xabad joojinta ee sida weyn loogu baahan yahay.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweynuhu uu ka hadlo dilka Haniyeh, tan iyo markii Arbacadii la dilay.

Xamaas iyo Israel ayaa dhawaan bilaabay wada hadalo aan toos ahayn, oo Mareykankuna uu taageerayay, balse wada hadalada ayaa waxaa wiiqay is mari-waa ka dhashay qaabka loo sameynayo xabad joojinta, ka gadaal markii ay Israel ku adkeysatay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Marinka Gaza.

Carrada xoogga leh ee ka dhalatay dilkan loo gaystay Allaha u naxariistee Ismail Haniyeh ayay dad badani u arkaan mid sii adkeynaysa heshiiska maxaabiis is dhaafsiga, siina hurineysa dabkan ka shidan gobolka.

Xamaas iyo Iran ayaa dilkiisa si adag ugu eedeeyay Israel, iyaga oo wacad ku maray in dhiigiisii la daadiyay aanu noqon doonin mid aan jawaab lahayn. Israel ayaan illaa iyo hadda qiran dilka ninkaasi.

Tan iyo markii laba cisho ka hor la dilay Ismail Haniyeh ayaa waxaa sare u kacday khatarta ah in colaadda Gaza ay isu bedesho mid ballaaran oo gobolka oo dhan ah.

Aargoosiga ay Iran ku hanjabtay ayaa walaac ku haysa Israel iyo xulafadeeda reer galbeedka, inkastoo Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel uu ku celiyay in Tel Aviv ay u diyaargarowday weerar kasta oo kaga yimaada Iran.

Indhaha dunida ayaa ku sii jeeda Bariga Dhexe iyo waxa uu ku dambeyn karo masiirka gobolka.