Madaxweynaha Masar oo soo jeediyay in xabad joojin laba maalmood laga sameeyo Gaza
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi ayaa soo jeediyay in muddo laba maalmood ah xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, si loo riixo dadaalada caalamiga ah ee xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xabad joojinta labada maalmood loo isticmaalo doono sii deynta afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza, iyadoo Xamaas ay ku bedelaneyso qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel iyo in la ogolaado gelitaanka gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza.
Madaxweynaha oo Axaddii ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Qaahira, uuna ku wehlinayay Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune ayaa ku baaqay in wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac ay dib ugu bilowdaan 10 maalmood gudahood, si loo gaaro heshiis rasmi ah.
"Wada hadalada ayaa loo baahan yahay inay dib ugu bilowdaan 10 maalmood gudahood, laga bilaabo maalinta 1aad ee dhaqangelinta xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, si loo gaaro xabad joojin waarta." Ayuu yiri Madaxweyne El-Sisi.
Madaxweyne El-Sisi ayaa hadalkan ku dhawaaqay, iyadoo la sheegayo in wada hadalada xabad joojinta Gaza ay dib uga bilaabanayaan Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.
Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea ay Axaddii u ambabaxeen Doha, iyagoona wada hadalo kula leh Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani si ay uga wada hadlaan, sida lagu socod siin karo wada hadalada nabadda ee Xamaas iyo Israel.
Raysal Wasaaraha Qatar ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in wada hadalada uu martigeliyo, balse waxa uu sawir mugdi ah ka bixiyay masiirka wada hadalada. Raysal Wasaaraha ayaana tani u sababeeyay waa inaysan jirin wax kala cad oo muujinaya in wada hadaladu ay guuleysan karaan, maadaama dhinacyadu aysan illaa iyo hadda wax tanaasul ah ka muujin shuruudaha ay ku gorgortamayaan.
Israel ayaa billihii u dambeeyay ku gorgortameysay in ciidamadeeda aysan kala bixi doonin Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee kala qaybisa Marinka Gaza iyo Masar.
Xamaas ayaa ku celcelisay inaysan aqbali doonin wax heshiis ah, inta Ciidamada Israel ay ku sugan yihiin qayb ka mid ah Gaza.
Xamaas ayaa dhinaceeda ku gorgortameysa in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan meelaha ay ka joogaan Marinka Gaza iyo inay iyagu soo qortaan magacyada maxaabiista ay doonayaan in loo soo sii daayo.